Muuse Geelle oo ku guuleystay doorashadda gudoomiyaha FEIT

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Muuse Geelle Yuusuf ayaa ku guuleystay tartanka xilka guddoomiyaha guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ee FEIT.

Sida uu ku dhawaaqey Gudiga, Muuse ayaa helay 14 cod halka Cabdiraxiin Cabdicasiis Aadan oo tartanka kula jiray uu ku guuleystay 11 cod.

Wararka ayaa sheegaya in Muuse Geelle uu helayay taageero kala duwan oo dibadda FEIT uga yimid, maadaama doorashadda dalka lagu loolamayo.

Muuse ayaa bedelaya Maxamed Xasan Cirro, oo bishii hore Gudiga xilka ka qaadey, kadib markii lagu eedeeyay eex, nin jeclaysi iyo wadatashi la'aan.

Waa markii 3aad oo FEIT doorasho gudoonka qabanayso tan iyo markii la aas-aasay sanadkii tagey, iyadoo Gudiga uu hareeyay faragelin uga imaanaysa dhinacyada isku haya siyaasadda.

Mushariixinta, oo ugu horeeyo C/raxmaan Cabdishakuur ayaa durbadiiba u hambalyeeyay Muuse Geelle, waxaana muuqata in gudoomiyaha cusub dhinaca mushariixinta taageero ka helayay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaxootiga Cadaanka Koonfur Afrika oo soo gaaray Mareykanka

Markii ay soo gaareen garoonka Washington Dulles International Airport ee Virginia…

  • Soomaliya

    13-05-2025

  • 06:59PM

Diblomaasiyiinta Beesha Caalamka oo ka xumaadey Khudbad Xamse ku weeraray Axmed Madoobe

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa qabtay dhamaadkii sanadkii hore doorasho dadban oo isaga kusoo baxay markii 3aad.

  • Soomaliya

    13-05-2025

  • 10:20AM