Muuse Geelle oo ku guuleystay doorashadda gudoomiyaha FEIT

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Muuse Geelle Yuusuf ayaa ku guuleystay tartanka xilka guddoomiyaha guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ee FEIT.

Sida uu ku dhawaaqey Gudiga, Muuse ayaa helay 14 cod halka Cabdiraxiin Cabdicasiis Aadan oo tartanka kula jiray uu ku guuleystay 11 cod.

Wararka ayaa sheegaya in Muuse Geelle uu helayay taageero kala duwan oo dibadda FEIT uga yimid, maadaama doorashadda dalka lagu loolamayo.

Muuse ayaa bedelaya Maxamed Xasan Cirro, oo bishii hore Gudiga xilka ka qaadey, kadib markii lagu eedeeyay eex, nin jeclaysi iyo wadatashi la'aan.

Waa markii 3aad oo FEIT doorasho gudoonka qabanayso tan iyo markii la aas-aasay sanadkii tagey, iyadoo Gudiga uu hareeyay faragelin uga imaanaysa dhinacyada isku haya siyaasadda.

Mushariixinta, oo ugu horeeyo C/raxmaan Cabdishakuur ayaa durbadiiba u hambalyeeyay Muuse Geelle, waxaana muuqata in gudoomiyaha cusub dhinaca mushariixinta taageero ka helayay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Khilaaf xooggan oo ka dhex qarxay Xisbiga Xasan Sheekh

Dhaawaca ugu weyn ee soo gaaray xisbiga ayaa loo arkaa go’aanka uu qaatay xoghayihii xisbiga, Cabdiraaxmaan Odowaa.

  • Soomaliya

    23-03-2026

  • 09:27AM

Dowladda Federaalka oo Shaacisay inuu Idlaaday Muddo-xileedka Hoggaanka Koonfur Galbeed

Ilaa hadda, madaxtooyada Koonfur Galbeed kama soo bixin jawaab rasmi ah oo ku saabsan shaacinta firaaqda xafiiska.

  • Soomaliya

    22-03-2026

  • 09:36PM