Muwaadiniinta Sacuudiga oo laga mamnuucay Soomaaliya

Image

RIYADH, Sacuudi Carabiya - Boqortooyadda Sacuudi Carabiya ayaa muwaadiniinteeda waxay ka mamnuucdey in ay u socdaalaan 13 waddan oo ay kamid tahay Soomaaliya.

Dalalkaas ayaa waxay kala yihiin; Libya, Syria, Lebanon, Yemen, Iran, Turkey, Armenia, Soomaaliya, Democratic Republic of Congo, Afghanistan, Belarus, iyo India.

Wasaaradda arrimaha gudaha Sacuudiga oo war-saxaafadeed soo saartey ayaa daaha ka rogtay in go'aankan cusub uu la xiriiro khatarta safmareenka fayruska Corona.

"Muwaadiniinta Sacuudi Carabiya ogolaanshiyo la'aan kuma tagaan dalalkaas duulimaadyo toos ah iyo kuwa aan toos ahayn," ayaa lagu yiri qoraalka oo lala wadaagay saxaafada.

Bishii Febraayo, Sacuudiga ayaa wuxuu joojiyey dadka uga imaanaya 20 waddan oo Soomaaliya ku jirto sababo ku aadan Covid-19; go'aankan waa mid la cusbooneysiiyey.

Dhanka kale, xukuumadda Riyadh ayaa waxay qaadey amarkii ahaa in la karantili doono todoba illaa 14 maalmood dadka ka imaanaya 20 dal oo uu kamid yahay Mareykanka.

Inkasta oo aysan shaacin liiska oo idil walina xayiraadii ay saaran tahay, haddana magacyada soo muuqdey waxaa kamid ah India, Britain, Germany, France iyo Imaaraadka Carabta.

Sida laga soo xigtay qoraalka wasaaradda, dadka ka imaanaya dalalkaas waxaa waajib ah in ay si dhameystiran u qaataan talaalka fayruska ayna qataan shahaadada muujineysa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM