Muxuu Farmaajo "ka doorbiday" la dirirka Al-Shabaab?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynaha muddo xileedkiisa dastuuriga ah uu dhamaadey Farmaajo ayaa la dagaalanka Al-Shabaab wuxuu kaga mashquulay burburinta maamulada iyo mucaaradka, sida uu sheegay musharax madaxwayne.

Tani ayaa, sida uu aaminsan yahay Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, waxay salka ku haysaa rabitaan ku saabsan in uu baaqi kusii ahaado xukunka iyo in uu meesha ka saaro nidaamka federaalka ee shacabka Soomaaliyeed ay ku heshiiyeen.

Warsame ayaa xalay marti ku ahaa madasha Aragti wadaaga ee Garowe Online ku martigeliyey bartiisa Twitter-ka taasoo diirada lagu saarey doorka mucaaradka ee dowladnimadda.

"Inta badan kuwa xafiiska jooga waxay isku dayaan in ay fikradahooda ku qasbaan dowladnimada taasoo xagal-daacineysa geeddi-socodka dhismaha dowladnimada Soomaaliya," ayuu carabka ku dhuftay.

Al-Shabaab waa mid kamid ah caqabadaha hortaagan in Soomaaliya ay dib cagaheeda isugu taagto, waxaana la dagaalankeeda uu kamid yahay arrimaha hortabinta leh.

"Farmaajo wuxuu waqti ku lumiyay baacsiga mucaaradka iyo dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka Soomaaliya, waana taas mida uu kaga mashquulay la-dagaalka Al-Shabaab," ayuu Warsame yiri isaga dhageyste su’aal uga jawaabaya.

Afartii sano ee lasoo dhaafay, dhacdooyinka loo diiwaan-geliyey maamulka Farmaajo waxaa kamid ah; boobka doorashooyinkii Koonfur Galbeed iyo Galmudug, duulaankii uu ku qaadey Jubaland iyo isku-daygii dhicisoobay ee Puntland ka sameeyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Balcad oo loo magacaabayo Wasiiru dowlaha Madaxtooyadda - XOG

Cali Balcad wuxuu ahaa wakiilka gaarka Madaxweyne Xasan Sheekh arrimaha wadahadalka Itoobiya iyo hirgelinta heshiiskii Ankara.

  • Soomaliya

    28-04-2025

  • 08:37AM

Aadan Madoobe oo Cabsi in xilka laga qaado u furi la'yahay Gollaha Shacabka

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Aadan Madoobe, ayaa ilaa hadda ka jawaabi waayay eedeymaha soo baxay.

  • Soomaliya

    28-04-2025

  • 08:09AM