Muxuu Farmaajo "ka doorbiday" la dirirka Al-Shabaab?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynaha muddo xileedkiisa dastuuriga ah uu dhamaadey Farmaajo ayaa la dagaalanka Al-Shabaab wuxuu kaga mashquulay burburinta maamulada iyo mucaaradka, sida uu sheegay musharax madaxwayne.

Tani ayaa, sida uu aaminsan yahay Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, waxay salka ku haysaa rabitaan ku saabsan in uu baaqi kusii ahaado xukunka iyo in uu meesha ka saaro nidaamka federaalka ee shacabka Soomaaliyeed ay ku heshiiyeen.

Warsame ayaa xalay marti ku ahaa madasha Aragti wadaaga ee Garowe Online ku martigeliyey bartiisa Twitter-ka taasoo diirada lagu saarey doorka mucaaradka ee dowladnimadda.

"Inta badan kuwa xafiiska jooga waxay isku dayaan in ay fikradahooda ku qasbaan dowladnimada taasoo xagal-daacineysa geeddi-socodka dhismaha dowladnimada Soomaaliya," ayuu carabka ku dhuftay.

Al-Shabaab waa mid kamid ah caqabadaha hortaagan in Soomaaliya ay dib cagaheeda isugu taagto, waxaana la dagaalankeeda uu kamid yahay arrimaha hortabinta leh.

"Farmaajo wuxuu waqti ku lumiyay baacsiga mucaaradka iyo dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka Soomaaliya, waana taas mida uu kaga mashquulay la-dagaalka Al-Shabaab," ayuu Warsame yiri isaga dhageyste su’aal uga jawaabaya.

Afartii sano ee lasoo dhaafay, dhacdooyinka loo diiwaan-geliyey maamulka Farmaajo waxaa kamid ah; boobka doorashooyinkii Koonfur Galbeed iyo Galmudug, duulaankii uu ku qaadey Jubaland iyo isku-daygii dhicisoobay ee Puntland ka sameeyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM