Nabadoon caan ah oo lagu dilay gobolka Shabeellaha Hoose

Image

AFGOOYE, Koonfur Galbeed – Dabley aan heybtooda la aqoonsan ayaa waxay xalay ay degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose ay ku dileen nabdoon caan ka ahaa halkaas, sida ay soo wariyeen dadka degaanka.

Marxuum Axmed Maxamed Mayow ayaa la sheegay in lagu toogtay nawaaxiga hoygiisa. Gacan-ku-dhiigleyaasha waxaa la wariyey in ay ka baxsadeen meesha ay wax ka dhaceen kahor inta aysan soo gaarin ciidanka amniga.

Maamulka degmada Afgooye oo cambaareeyay falkaas ayaa ku eedeeyay maleyshiyadda Al-Shabaab oo dhankeeda aan wali ka hadlin.

"Nabdoon Mayow wuxuu kamid ahaa odayaasha dhaqanka ee doorka muhiimka ah ka cayaara amniga iyo nabadda degmada Afgooye. Waxaa dilay sidda aan fahansanahay kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab," ayaa lagu yiri qoraal kooban oo kasoo baxay maamulka degmadda Afgooye.

Saraakiisha ammaanka ayaa intaas ku daray in ay sameynayaan baaritaan ku saabsan falkaan, iyaga oo wacad ku maray in ay soo qaban doonan kooxihii ka dambeeyay falkaas aysan cid si rasmi ah dusha u saaran mas'uuliyadiisa.

Al-Shabaab iyo Daacish ayaa horey waxay siyaabo kala duwan u sheegteen falal khaarijin ah oo ka dhacay degmadda Afgooye oo qiyaastii 30 KM dhanka Koonfur Galbeed aadan magaala madaxda wadanka Soomaaliya ee Muqdisho.

Odayaasha dhaqanka iyo nabadoonada ayaa aad loo beegsadaa gudaha Soomaaliya marka lasoo gaaro mar-xaladda kala guurka soona dhawaato doorashooyinka. Hasa ahaatee, si dhab ah looga oga sababta loo beegsanayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM