Nabadoon caan ah oo lagu khaarijiyey magaalada Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Fahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxay dil xalay ay kooxo hubeysan ka geysteen magaalada Muqdisho.

Fal-dambiyeedka ayaa ka dhacay degmada Dayniile gaar ahaan xaafada Barwaaqo, sidda ay sheegeen goobjoogeyaal kala duwan.

Dabley wadatay gaari ayaa la tilmaamay in ay beegsadeen Cabdirisaaq Yuusuf Siicow [Shabeel], nabadoon caan ka ahaa halkaas.

Wararka ayaa intaas ku daraya in marxuumka uu saarnaa gaari isla markaana uu kasoo baxay Salaada Cisho kahor inta aan la beegsan.

"Kooxaha dilka geystay oo gaari nooca raaxada ah waxay ku hor-jareen baabuurka nabadoonka kadibna rasaas ayay ku fureen," ayuu yiri qof degaanka ah.

Marxuumka ayaa la tibaaxay in xiliga la dilayey marayey wadada Al Huda ee isgoyska Efeego, xaafada Warshadaha isla markaana aada waaxda Barwaaqo, xaafada Gubta ee degmada Dayniile.

Al-Shabaab oo qiil u sameysay dilka Cabdirisaaq Shabeel ayaa sheegtay in uu la shaqeyn jiray sirdoonka Mareykanka ee loo yaqaano CIA.

"Wuxuu kaloo kaalin ka qaatay culimo badan oo xiligii Maxkamadaha Islaamiga kahor loo dhiibay Mareykanka," ayay raacisay xarakada.

Beegsiga nabadoonada oo u muuqaneysa in ay dib u soo noqotay ayaa looga bartay maleeyshiyaadka xiriirka la leh Al-Qaacda ee Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo Dowladda ku Eedeeyay Caburinta Saxaafadda

Xorriyadda hadalka iyo madaxbannaanida warbaahinta waa tiirar muhiim u ah dowlad kasta oo sharciyad leh.

  • Soomaliya

    24-05-2025

  • 03:01PM

CC Shakuur: Qofkii Talada dalka la ordo waa laga dhigayaa, hana xigo ama yuusan na xigin

"Qof kasta oo la ordo talada dalka waa laga dhigayaa, ha ahaado mid na xiga ama mid aan na xigin," ayuu yiri C/raxmaan Cabdishakuur Warsame.

  • Soomaliya

    24-05-2025

  • 09:43AM