Nabadoon caan ah oo lagu khaarijiyey magaalada Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Fahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxay dil xalay ay kooxo hubeysan ka geysteen magaalada Muqdisho.

Fal-dambiyeedka ayaa ka dhacay degmada Dayniile gaar ahaan xaafada Barwaaqo, sidda ay sheegeen goobjoogeyaal kala duwan.

Dabley wadatay gaari ayaa la tilmaamay in ay beegsadeen Cabdirisaaq Yuusuf Siicow [Shabeel], nabadoon caan ka ahaa halkaas.

Wararka ayaa intaas ku daraya in marxuumka uu saarnaa gaari isla markaana uu kasoo baxay Salaada Cisho kahor inta aan la beegsan.

"Kooxaha dilka geystay oo gaari nooca raaxada ah waxay ku hor-jareen baabuurka nabadoonka kadibna rasaas ayay ku fureen," ayuu yiri qof degaanka ah.

Marxuumka ayaa la tibaaxay in xiliga la dilayey marayey wadada Al Huda ee isgoyska Efeego, xaafada Warshadaha isla markaana aada waaxda Barwaaqo, xaafada Gubta ee degmada Dayniile.

Al-Shabaab oo qiil u sameysay dilka Cabdirisaaq Shabeel ayaa sheegtay in uu la shaqeyn jiray sirdoonka Mareykanka ee loo yaqaano CIA.

"Wuxuu kaloo kaalin ka qaatay culimo badan oo xiligii Maxkamadaha Islaamiga kahor loo dhiibay Mareykanka," ayay raacisay xarakada.

Beegsiga nabadoonada oo u muuqaneysa in ay dib u soo noqotay ayaa looga bartay maleeyshiyaadka xiriirka la leh Al-Qaacda ee Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo tababar u furay Cutubyo ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Puntland

Tababarka loo furay guutada saddexaad ayaa ka dhacay xarunta tababarka ciidamada ee Xorgoble ee magaalada Qardho.

  • Soomaliya

    09-04-2026

  • 06:22PM

Garsoore Soomaaliyeed Cumar Cartan oo loo xushay Koobka Adduunka 2026

Cumar Cartan ayaa si kooban uga falceliyay warka, isaga oo boggiisa Facebook ku qoray “Alhamdulillah,”.

  • Soomaliya

    09-04-2026

  • 05:06PM