Ninkii ku dhaawacmay qaraxii Xero Nacnac oo la ogaaday qoyskiisa

Image
Cumar ayaa lagu muransanaa qofka uu hayo ka dib dhaawac qarax ka soo gaaray.

MUQDISHO, Soomaaliya - Cumar Cali Axmed ayaa ku dhaawacmay qarax ka dhacay xero Nacnac ee magaalada Muqdisho, waxaana qoyskiisu ay rumeysanaayeen inuu ku dhintay qaraxaas.

Kadib markii laga daweeyay dhaawacii cuslaa ee soo gaaray ayaa waxaa lagu muransanaa qofka uu hayo, Cumar ama Cabdisamid oo muuqaal ahaan aad isu ekaa, labadoodana lagu waayay qaraxii Xero Nacnac iyaga oo doonaya inay ku biiraan Ciidanka Xooga Dalka.

Labada qoys ee isku haystay haybta Cumar ayaa ku adkaystay go’aankooda, ilaa ay dacwaddu soo gaartay maxkamadda ciidamada qalabka sida, oo ka qaaday dheecaanka hidda sidaha (DNA).

Waxaa natiijada Baarista la sugayay muddo 3 Todobaad ah, iyada oo maanta soo baxday laguna ogaaday in uu ka dhashay reer Cali Axmed, sidaasina ay maxkamaddu ku wareejisay qoyskiisa.

Haweeney lagu magacaabo Fartuun ayaa caafimaadka Cumar wax ka qabatay inta uu ka maqnaa ehelkiisa, iyadoo aaminsan inuu yahay wiilkeeda, ilaa lagu dhawaaqay go’aanka maxkamadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamo mucaarad ku ah Lafta-Gareen oo la wareegay Qansaxdheere 

Xaaladda Qansaxdheere ayaa weli ah mid kacsan, waxaana jira cabsi xooggan oo ay dadka rayidka ah ka qabaan in markale uu dagaalku dib u qarxo.

  • Soomaliya

    14-03-2026

  • 02:11PM

Qarax khasaare u geystay ciidanka difaaca Puntland oo ka dhacay gobolka Bari

Weerarkan ayaa ku soo beegmaya xilli ay sii kordhayso walaaca laga qabo habsami u socodka hawlgallada Puntland.

  • Soomaliya

    13-03-2026

  • 07:10PM