Nuxurka khudbadihii xaflada shaacinta heshiiska doorashada

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Hogaamiyeyaasha Soomaalida ayaa Khamiista maanta ah waxay shaaciyeen heshiis doorasho kaasoo xeerinaya in coddeynta ay ku dhacdo muddo laba bilood gudaheeda ah.

War-murtiyeedka laga soo saarey wadahadalada ay todobaadkan madaxdu ku yeelatay caasimada Muqdisho ayay ku xuseen in ay xal waara ka gaareen dhamaan qodobaddii is-mar-waaga uu ka taagnaa.

Ra'iisul Wasaaraha xilgaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble oo ku dhawaaqay in heshiis laga gaarey qadiyadaha gobolka Gedo, Somaliland, habraaca dhismaha guddiyada iyo ammaanka doorashooyinka, ayaa shaaciyey in ay "soo noqotay is-aaminaada".

Xukuumadiisa ayuu xusay in ay ka go'an tahay hirgelinta doorashada iyo daadihinta doorasho "cadaalad ah, daahfuran loona dhan yahay", isaga oo ku baaqay "is-cafis".

Hogaamiyeyaasha maamulada oo ka hadlay munaasabada saxiixa heshiiska doorashada ayaa balanqaadey hirgelinta heshiiska, iyaga oo tibaaxay in ay u tureen danta dalka iyo dadka.

Wakiilka Qaramada Midoobay, James Swan, ayaa ku bogaadiyey Farmaajo in uu ka tanaasulay muddo kororsiga sharci darro ahayd taasoo sababtay in dib loo bilaabo wadahadalada doorashooyinka.

Hogaanka dowladda federaalka iyo maamulada ayuu ku tartarsiiyey in ay si deg-deg ah u fuliyaan doorasho loo-dhan-yahay oo daahfuran taasoo aan dib-dambe loo dhigin.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shaacinta heshiiska doorashada ku sifeeyay "maalin taarikhi ah" iyo "maalin ay soo idlaatay cabsidii ku saabsaneyd halka dalka uu kusii jeedo".

Madaxweynihii 8aad ee Soomaaliya haddana kamid ah musharaxiinta u taagan xilka ugu sareeya dalka ayaa ku daray: "Guusha aan maanta gaarnay waa in aan u ilaalinaa sidda isha".

Shariif Sheekh Axmed ayaa xusay "Waa inaan ka gudubnaa hal-ku-dhigga oranaya 'heshiis in la gaaro way u fududahay siyaasiyiinta Soomaaliyeed, laakiin fulintiisa waa mid ku dhib badan tahay".

Madaxweynaha waqtiga ka dhacay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta Rooble ku ammaanay hogaamintiisa u jiheynta dalka heshiis laga gaaro doorashada.

"Doorka kaliya ee hadda ii furan waa in aan taageero fulinta heshiiskan," ayuu ku daray, isaga oo hoosta ka xariiqay in uu ugu hambalyeynayo madaxda heshiiska wada-ogolka ah ku gaartey magaala madaxda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM