Odowaa: DF waxay "madaxweyne" 3aad ku magacowday Dhuusamareeb

Image

DHUUSAAMREEB, Galmudug - Murashax Cabdiraxmaan Odowaa ayaa doorashadii maanta ka dhacday Dhuusamareeb ku tilmaamay mid ay dowladda federaalka Soomaaliya kusoo magacaabatay "madaxweyne".

Odowaa, wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Soomaaliya, oo ku jiray murashaxiintii ka hartay doorashadan lagu muransan yahay ayaa caddeeyay in ay u taagan yihiin xalinta tabashooyinka ka jira hanaanka coddeynta.

Hoos ka akhriso qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook

Galmudug mid ah

Waxa aan qeyb ka noqon donaa Xalinta Galmudugyada badan oo ay abuurtay dowladda Federaalka ah.

Maanta waxay Dowlad goboleedka Galmudug ugu suntantahay maalinta taabba galinta kala qaybsanaanta iyo kala irdhowga bulshada Galmudug. "Madaxweyne" saddexaad ayey dowladda Federaalka ahi ku magacowday caasimadda Dhuusamarreeb.

In Galmudug yeelato saddex Madaxweyne waxaa masuuliyaddeeda iska leh Madaxweynaha iyo R/Wasaaraha dalka, Maxamed C/llahi Farmaajo iyo Xasan Cali Khayre. Sida la wada ogsoon yahay, labadan mas’uul waxay muddo sanad ku dhow ka shaqeynayeen inay Galmudug ka sameystaan maamul ay gacantooda ku samaysteen.

Waxaan dhammaan waxgaradka, odayaasha dhaqanka iyo saamileeyda siyaaasadeed ee reer Galmudug iyo sadaxda garab ee hadda saakay Galmudug u qaybsantahay inaan isugu nimaad sidii hal maamul loo dhisi lahaa.

Mar walba waxaan u taagnaan doonaa halhayskaaygii ahaa “Galmudug mid ah”

Waan sii wadi doonaa wixii adeeg iyo horumar ah ee aan deegaanka ka waday ama aan la jeclaa.


GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo uga Digay Dowladda Soomaaliya in Awood loo Adeegsado Dibad-baxayaasha

Dhanka kale, laamaha amniga ayaa ku doodaya inay ka hortagayaan kooxo raba inay qalqal geliyaan nabadgelyada caasimadda.

  • Soomaliya

    12-05-2026

  • 09:33AM

Shacabka Mandheera oo Dalbaday in Laga Saaro Ciidamada Jubaland Kadib Weerarkii Dadka Lagu Laayay

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Kenya, Rigathi Gachagua, ayaa sidoo kale ku baaqay in ciidamada Jubbaland laga saaro dhulka Kenya.

  • Soomaliya

    12-05-2026

  • 06:07AM