Prof Gaandi oo ku geeriyooday waddanka Faransiiska

Image

PARIS, France - Prof Maxamed Cabdi Maxamed Gaandi, khabiir ku takhasusay cilmiga dhulka, aqoonyahan ku xeeldheeraa cilmu-nafsiga, taariikhyahan iyo siyaasi, ayaa ku dhintey Faransiiska, sida ay xaqiijiyeen xubno ka tirsan qoyskiisa.

Marxuumka oo la sheegay in xaalad caafimaad loogu qaadey dalkan ku yaala qaaradda Yurub ayaa ahaa xubin ka tirsanaa Midowga Musharaxiintii, wasiirkii hore ee difaaca Soomaaliya, Xildhibaan golaha Shacabka iyo safiirkii Soomaaliya ee Canada.

Xildhibaan ka tirsan Aqalka Hoose ee Soomaaliya ayuu soo noqdey sanadka markii uu ahaa 2009-kii. Gaandi oo sidoo kale ahaa qoraa ayaa lagu waramay in uu qoray in ka badan 10 boog iyo ku dhowaad 50 maqaalo cilmiyeed.

Professor Gandhi oo aan wali fahfaahin laga bixin xanuunka uu u geeriyoodey ayaa wuxuu Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya iyo Wasiirka Cirka iyo Gaadiidka uu ka noqdey Dowladii Ku Meel Gaarka ahayd ee waddanka Soomaaliya.

Madaxweynaha ismaamulkii la oran jiray Azania ee degaanada Jubbooyinka ka jiray kahor inta aan loo bixin magaca haatan loo yaqaano ee Jubaland ayuu noqdey 3-da bishii April, 2011-kii, waxaana May, 2013-kii ka bedelay Axmed Maxamed Islaam.

Bishii Luulyo 2014, Gandhi waxaa loo magacaabay Safiirka cusub ee Soomaaliya ee Canada. Wuxuu noqdey ergeygii ugu horreeyay ee noocan ah muddo ka badan labaatan sano kadib maadaama waddanka uu 1991-dii galay dagaal sokeeye.

Ra'iisul Wasaare Cabdiwali Sheekh Axmed ayaana u magacaabay jagadda safiirnimo. Dib-u-furidii afaaradda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya magaaladda Ottawa gobolka Ontario ee gudaha waddanka Canada ayuu door ballaaran ka cayaarey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM