Puntland oo amaantey garowsiyaha Rooble siiyey Imaaraadka

Image
Xukuumadda Deni ayaa talaabadan ku sifeysay mid "dib loogu saxayo siyaasadda arrimaha dibada dalka".

GAROWE, Puntland - Dowladda Puntland ayaa soo dhaweysay go'aanka ay xukuumadda xilgaarsiinta cudurdaarka kaga bixisay dhacdadii 2018-kii garoonka Muqdisho lacagta loogala wareegay Imaaraadka.

War-saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyadda Puntland ayaa lagu sheegay in go'aankaas uu ka dhigan yahay in Rooble uu "dib-ugu-saxayo siyaasadda arrimaha dibadda qaranka".

Sida laga soo xigtay bayaankan nuqul kamid ah uu arkay warsidaha Garowe, go'aankaas ayaa wuxuu u adeegayaan danaha qaranka Soomaaliyeed iyo adkeynta xiriirka dowladaha caalamka.

"Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed waxay soo dhoweynaysaa tallaabada uu Ra’iisal Wasaarahaha XFDS Mudane Maxamed Xuseen Rooble dib-ugu-saxayo siyaasadda arrimaha dibadda iyo xiriirka diblumaasiyadeed iyo iskaashi ee Soomaaliya la leedahay adduunka intiisa kale," ayaa lagu yiri qoraalka.

Bayaanka ayaa la raaciyey: "Waxaan boggaadineynaa garowsiyaha iyo raallingelinta Ra’iisalwasaaruhu ka bixiyey khaladkii April 2018 lagula kacay Dowladda aynu walaalaha nahay ee Imaaraadka".

"Dowladda Puntland waxay Dowladda Imaaraadka uga mahacelinaysa gurmadkii ay maanta u fidiyeen dadka Soomaaliyeed ee Abaaruhu saameeyeen,  waxaana rajeynaynaa gurmadkaasi inuu wada gaaro dhammaan dalka," ayaa lagu soo xiray.

Ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta Rooble ayaa maanta wuxuu ku dhawaaqay in Soomaaliya ay raaligelin buuxda siineyso Imaaraadka una celineyso lacagtaas lagu qiyaasay 9 milyan doolar wallow uusan muddeyn.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Khilaaf xooggan oo ka dhex qarxay Xisbiga Xasan Sheekh

Dhaawaca ugu weyn ee soo gaaray xisbiga ayaa loo arkaa go’aanka uu qaatay xoghayihii xisbiga, Cabdiraaxmaan Odowaa.

  • Soomaliya

    23-03-2026

  • 09:27AM

Dowladda Federaalka oo Shaacisay inuu Idlaaday Muddo-xileedka Hoggaanka Koonfur Galbeed

Ilaa hadda, madaxtooyada Koonfur Galbeed kama soo bixin jawaab rasmi ah oo ku saabsan shaacinta firaaqda xafiiska.

  • Soomaliya

    22-03-2026

  • 09:36PM