Qarax Gaari oo ka dhacay duleedka Muqdisho

Image

CEELASHA BIYAHA, Soomaaliya - Qarax gaari ayaa maanta ka dhacay duleedka Muqdisho, kaasi oo ay ku dhinteen ugu yaraan labo qof, iyadoo qaar kalena ay ku dhaawacmeen.

Goob-jooge, ayaa Warsidaha Garowe Online u xaqiijiyay qaraxa, kaasi oo uu sheegay inuu ka dhashay Gaari nooca HARRIER-ka, oo lagu soo xiray walxaha qarxa.

Gaarigan wuxuu ku qarxay deegaan ku dhaw Ceelasha Biyaha, oo dhanka Afgooye ka xiga oo lagu magacaabo Mire Indhoyare.

Ciidamada dowladda ayaa ku baxay goobta, kadibna kasoo qaadey meydadka iyo dhaawacyada, oo uu ku jiro Meydka ninkii watay Gaariga, sida dadka halkaasi ku nool ay xaqiijiyeen.

Lama oga bartilmaameedka gaarigan, balse warar ayaa sheegaya inuu kusoo jeeday magaalada Muqdisho, waxaana looga shakisan yahay inay ka dambayso Al Shabaab.

Dhanka magaalada Muqdisho, waxaa lagu qabtay maanta Isgoyska Dabka Gaari HOMY ah, oo qarax looga shakiyay inuu qarax ku xirnaa. Saraakiisha amniga ayaa tagey goobta, oo gaarigiisa la wareegay.

Muqdisho ayaa kasoo kabanaysa hadda Qaraxii Zoobe 14kii October, oo ay ku dhinteen in ka badan 300 oo qof, kaasi oo noqday mid bedelay Taariikhda dalka, isagoo sidoo kale mideeyay shacabkia guud ahaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xamsa Cabdi Barre: Mucaaradka Waxay Fulinayaan Danaha Dowlado Shisheeye

Barre ayaa sheegay in qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ah ay noqdeen afhayeenno u adeegaya hadallo kasoo baxay dowlado shisheeye.

  • Soomaliya

    19-05-2025

  • 08:28PM

Dowladda Masar oo ka hadashay Qaraxii lala eegtay Dhalinyarada qoranaysay Askarta

Bayaanka Masar ayaa si cad u sheegay taageerada dowladda Masar ee hay’adaha Soomaaliyeed, gaar ahaan ciidanka iyo ciidamada amniga.

  • Soomaliya

    19-05-2025

  • 12:56PM