Qarax gaari oo ka dhacay magaalada Muqdisho

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Qarax ayaa fiidnimadii Khamiista wuxuu ka dhacay isgoyska Taleex ee magaalada caasimadda ah ee Muqdisho. Ma cadda khasaaraha ka dhashay falkaas.

Warar horudhac ah waxay sheegayaan qaraxu sababay gaari la dhigay aaggaas oo dadweynaha lagu booriyey in ay ka foggaan kahor inta uusan qarxin.

Taliska booliska oo tibaaxay in uu baaritaan ku bilaabay qaraxa ayaa sheegay in aysan jirin cid wax ku noqotay qaraxa.

"Qaraxa oo abaare fiidkii ka dhacay isgoyska Taleex gaar ahaan meel ku dhow KM4 wuxuu ahaa mid xogtiisa ay haayeen ciidanka, waxaana arrintaas ay sahashay in ciidanka uga digaan shacabka taas oo khasaaraha meesha ka saartey," ayuu taliska u sheegay Garowe Online.

Qaraxaan ayaa kusoo aadaya iyaddoo maalmihii lasoo dhaafay ay jireen digniino ku saabsan in caasimada ka dhici karaan weeraro ay AlShabaab ka fuliso goobaha lagu kulmo.

Al-Shabaab ayaa laga digay in ay ka faa'iideysato mashquulka badan ee dhanka siyaasadda, iyaddoo lagu taliyey in laamaha ammaanka ay xoogga saaraan adkeynta xasiloonida.

Dowladda madaxweynaha waqtiga ka dhamaadey Farmaajo ayaa lagu eedeeyay in ay ciidanka u adeegsaneyso arrimo siyaasadeed isla markaana ay diidan tahay in waddanka ay ka dhacdo doorasho heshiis lagu yahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM