Qarax xoogan oo markale ka dhacey agagaarka xarunta hay'adda UNDP Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia - Qarax culus oo khasaaro geestay, ayaa ka dhacay saakay oo Arbaco ah gudaha magaalada Muqdishu ee caasumdda dalka Soomaaliya.

Goobjooge ayaa u xaqiijiyay GO Qaraxa, oo uu sheegay inuu ahaa mid lagu xiray Gaari nooca Toyota Hilux kaasi oo ku qarxay gudaha Garaasha ay baabuurta dhigato Hay'adda UNDP oo ku dhaw Garoonka Diyaaradaha Muqdishu.

Wararka ayaa sheegay in ugu yaraan 3 qof oo labo kamid ah Ilaalada UNDP ah ay ku dhaawacmeen Qaraxa, kaasi oo ahaa mi xoog badan oo burbur gaarsiiyay Garaashka UNDP-da iyo Guryaha ku dhaw.

Gaariga ayaa Qaraxa loogu soo xiray Dibada Garaashka, waxaana  lala damacsanaa in lagu waxyeeleeyo Shaqaalaha Hay'adda UPDP ee ka howlgalo Muqdishu, sida ay sheegeen Saraakiisha Booliska ee tagey Goobta. 

Waxa uu Garaashka ku yaallaa Dhabarka dambe ee Jazeera Palace Hotel, oo wax ka yar 200 oo Tallaabo u jira Garoonka Diyaaradaha Muqdishu. 

Wali ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda Qaraxa maanta. 

Saraakiisha Hay'adda UNDP kama aysan hadlin Qaraxa.

Labo maalmood kahor, ayaa labo qarax waxay ka kala dhaceen afaafka Garoonka Diyaaradaha Muqdishu, kuwaasoo  loo adeegsaday labo gaari oo walxaha qarxa lagu soo xiray, waxaana ku dhimatay ugu yaraan 10 ruux shacab u badnaa. 

Dhimashada qaraxaas ayaa korortey kadib markii labo Ruux oo midna Rag yahay mid kalena dumar yahay laga heley burburkii dhismayaasha.

Muqdishu waxaa kusoo kordhaya Qaraxayada, xilli doorashada Gudoonka Barlamanada iyo Madaxweynaha Somalia soo dhowaaneyso waxaana muuqda in ciidamada amniga aysan heleyn xoggo ay kaga hortagyaaan Qaraxyada ka dhacaya goobaha muhiimka ah.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Safiirka UK oo Muqdisho ku tilmaamay mid ka mid ah goobaha ugu khatarta badan dunida  

Safiirka ayaa ku dhuftay in wadashaqayn dhow oo ay la leeyihiin dowladda Soomaaliya, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-05-2026

  • 01:41PM

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM