​Qaraxyo AMISOM lagula eegtay duleedka Mahadaay

Image

MAHADAY, Somalia- Labo qarax ayaa Kolonyo ay wateen ciidamada AMISOM lagula eegtay maanta duleedka Degmada Mahadaay, ee gobolka Shabeellaha dhexe.

Wararka ayaa sheegayo in Ciidamada AMISOM la weeraray xilli ay kasoo  ambabaxeen deegaanka Biya Cadde, kuna sii jeedey Tuulooyinka Ceelbaraf iyo Miirtaqwo oo ku dhaw Mahadaay.

Gaadiidka AMISOM ayaa la kulmey qaraxyo Miinooyin ah, oo lagu aasay wadada xiriirisa Miirtaqwo iyo Biya Cadde, waxaana Al shabaab ay sheegtay inay ka gubtay mid kamid ah Baabuurta Gaashaaman.

Ciidamado u dhashay dalka Burundi ayaa la socday Kolonyada Gaadiidka ee la weeraray, sida ay dadka deegaanka qaar ay u xaqiijiyeen Warqabadka Warsidaha Garowe Online, ee Magaalada Muqdishu.

Waa weerarkii labaad, oo mudo 24-saac ah lagu qaado Ciidamada AMISOM ee ku sugan gobolka Shabelleeha dhexe, halkaasi oo uu ka socdo Guluf dagaal oo ka dhan ah Kooxda xiriirka la leh Al Qaeda.

AMISOM kama aysan hadlin wali weerarada dhowrka ah ee lagula eegtay ciidankeeda Shabeellaha dhexe.

GAROWEONLINE

Related Articles

Siyaasiyiin Soomaali ah oo Taariikh Ka Sameeyay Baarlamaanka Norway

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in doorashadoodu ay ka tarjumayso isbeddelka…

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 04:41PM

Go’aanka Mareykanka oo saameyn ku yeeshay howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya

Howlgalka ayaa si weyn ugu tiirsan taageerada UN-ka si loo bixiyo adeegyada saadka, caafimaadka iyo gaadiidka ciidamada.

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 01:51PM