Ciidamada AMISOM oo rayid ku laayey Muqdisho markii la qarxiyey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Labo qarax oo xoog leh ayaa maanta oo Sabti ah ka dhacay magaaladda Muqdisho, kuwaasoo geystay khasaarooyin isagu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaarey shacab, askar iyo mas'uul.

Qaraxa kowaad ayaa ka dhacay xaafadda Xoosha ee degmada Dharkeenley, waxaana lala eegtay gaari uu watay gudoomiye ku xigeenka dhinaca amniga iyo siyaasadda ee degmada Kaxda Xasan Cali.

Jugta qaraxa oo ka dhashay miino wadada dhinaceeda lagu aasay ayaa laga maqlay qeybo kamida degmada Dharkeenley, iyadoo saraakiisha booliska oo goobta tagey ay xaqiijiyeen inuu ku dhaawacmay gudoomiye ku xigeenka, sidoo kalena ay ku dhinteen labo askari, oo ilaalo u ahayd.

Qarax kale oo isna miino ah ayaa kolonyo AMISOM lagula eegtay nawaaxiga Ex-control Balcad, ee degmada Hilwaa, kaasii sababay khasaarooyin kala duwan oo shacab iyo ciidan soo gaarey, sida dadka degaanka ay xaqiijiyeen.

Ciidamada AMISOM ayaa furey rasaas culus kadib qaraxa, waxaana la sheegay inay rasaasta ku dhaawacmeen dhowr qof oo jidka marayay, waxaana la ogeyn khasaaraha soo gaarey askarta midowga Africa.

Wararka ayaa sheegaya in ay sidoo kale jirto dhimasho rayid kasoo gaartay xabadaha cutubyadda howlgalka Midowga Afrika.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda labada qaraxa ee maanta ka dhacay koonfurta iyo waqooyiga magaaladda Muqdisho, kuwaasoo qeyb ka ah falal lidi ku ah amniga oo caasimadda ka dhacaya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Balcad: Madaxweynaha wuxuu shir la yeelan doonaa madaxdii hore ee dalka

Shirkan ayaa loo arkaa mid fure u noqon kara yareynta kala fogaanshaha siyaasadeed iyo dhisidda hannaan loo dhan yahay oo lagu wajahayo marxaladda kala guurka ah.

  • Soomaliya

    25-05-2025

  • 11:19AM

Sheekh Shariif oo Dowladda ku Eedeeyay Caburinta Saxaafadda

Xorriyadda hadalka iyo madaxbannaanida warbaahinta waa tiirar muhiim u ah dowlad kasta oo sharciyad leh.

  • Soomaliya

    24-05-2025

  • 03:01PM