Qaraxyo lagu weeraray guriga sarkaal ka tirsan milatariga Soomaaliya

Image

BAYDHABO, Koonfur Galbeed – Fahfaahino kala duwan ayaa kasoo baxaya qaraxyo caawa ka dhacay degmadda Wanlaweyn, gobolka Shabeellaha Hoose ee hoostaga maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Illo wareedyo degaanka ah ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online in qaraxyadda oo jugtooda si weyn looga maqlay qaybo kamid ah degmadda ay ahaayeen Miinooyin tiradooda ay tahay laba xabo.

Inkasta oo wararka qaar ku sheegayaan Bambaanooyin, weerarka oo lasoo wariyey abaare fiidkii ayaa ka dhacay guri uu degan yahay sarkaal sarre oo ka tirsan ciidanka xoogga Soomaaliyeed.

"Khasaaro kala duwan ayaa ka dhashay dhacdadaan kuwaas oo isugu jira kuwa soo gaarey dad ku sugnaa guriga iyo shacab wadada marayey," ayuu yiri goobjooge magaciisa uga gaabsaday sababo ammaan.

Guriga la beegsaday ayaa ku yaalla xaafadda Muuri, gaar ahaan wadada laga galo Wanlaweyn, marka laga yimaado Afgooye ama Muqdisho.

Sarkaalka oo magaciisa lagu sheegay Cali Cabdullaahi Halac ayaa hogaamiya ciidamo milatari ah oo dhowaan laga soo bedelay degmadda Afgooye.

Maamulka degmadda oo GO u xaqiijiyey dhacdada ayaa ka gaabsaday in ay bixiyaan tafaasiil dheeraad ah, waxayna sheegeen in ay dib kaga warbixin doonan war-fidiyeenka.

"Illaa iyo haatan, waxaan xaqiijinay dhimashadda saddex rayid ah iyo dhaawaca tirro kale," ayuu yiri maamulka degmadda oo wareysi kooban bixiyey kana jawaabin su'aallo badan.

Fahfaahinadda qaar ayaa soo jeedinaya in Mr Halac uu waqtigaas ka maqnaa guriga. Balse, dadka dhaawacmay waxaa lagu waramay in ay kamid tahay xaaskiisa iyo gabar uu dhalay.

Ma jirto koox illaa iyo haatan dusha saaratay mas'uuliyadda falkaas, hase ahaatee, waxaa aagaas ku xoogan dagaalameyaasha Al-Shabaab.

"Dadka wadada marayay ee ku geeriyooday qaraxa waxaa kamid ah dhalinyarro caan ka ah magaaladda," ayuu yiri goobjoogaha. "Dhaawacyo badan ayaa sidoo kale jira, kuwaas oo isbitaalka loo qaadey".

Wanlaweyn oo 90 KM u jirta magaala madaxda Soomaaliya ee Muqdisho waxaa bilooyinkii lasoo dhaafay ka taagneyd xiisad beeleed qasabtay in ay dadka qaarkii isaga soo qaxaan degmadda, cabsi laga qabo dagaalo kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump: Maraykanku Wuxuu Joojinayaa Duqeymaha Xuutiyiinta Kadib Markii Heshiis La Gaaray

Ciidamada Israel ayaa Talaadadii weerar cirka ah ka fuliyay garoonka diyaaradaha caalamiga…

  • Soomaliya

    06-05-2025

  • 04:56PM

Shir Ka Furmay Muqdisho Iyadoo aanay Ka Qaybgelin Puntland iyo Jubbaland

Shirkan waxaa diiradda lagu saarayaa arrimo muhiim ah sida amniga qaranka, horumarka dhaqaale, iyo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab

  • Soomaliya

    06-05-2025

  • 02:36PM