Qodob "ku jira" natiijadda shirka Muqdisho oo la shaaciyey

Image
Xukuumadda xilgaarsiinta ayaa ka horudhacdey war-murtiyeedka rasmiga ah ee is-araggan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Qodobada kasoo bixi doona kulanka golaha wadatashiga qaranka ee laba casho kahor ka bilowdey Muqdisho waxaa kamid ah waqtiyeynta doorashada, sidda ay sheegtay xukuumadda.

Maxamed Ibraahim Macalimuu, afhayeenka xukuumadda xilgaarsiinta oo ka warbixiyey maalintii saddexaad ee shirkan, ayaa tibaaxay in hogaamiyeyaasha ay si furan uga doodayaan ajandayaasha.

Sida laga soo xigtey Macalimuu, qodobadda ay maanta madaxda diiradda saareen waxay kala yihiin; ammaanka doorashooyinka, hufnaanta geedi-socodka iyo soo saarida jadwal loo mideysan yahay.

Golaha Wadatashiga Qaran ayaa maanta kulan la yeeshay wakiillo ka socda Bulshada Rayidka ah iyo haweenka Soomaaliyeed oo ay ka wada hadleen dardargelinta howlaha doorashooyinka, iyagoo ka dhageystay talooyinkooda ku aaddan hufnaanta doorashada iyo xaqiijinta qoondada haweenka ee Golaha Shacabka.

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa go'aaminaya shirkan oo si weyn ay isha kugu haayaan dadka Soomaaliyeed iyo guud ahaan daneeyeyaasha arrimaha siyaasadda.

"Madaxda markii ay dhageysteen qeybihii kala duwanaa ee bulshadda - shalay iyo maanta oo ay ugu dambeysay ururada bulshada rayidka - waxay si furan uga doodayaan soojeedinta dhinacyadda," ayuu tibaaxay.

Midowga Musharaxiinta madaxtinimadda iyo wakiiladda beesha caalamka ayaa kamid ah darafyadda ay arkeen shalay. Wararku waxay xusayaan in loosoo jeediyey in ay ku dedaalaan cadaalada iyo hufnaanta coddeynta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muxuu Trump u diiday inuu lacag ku bixiyo howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee Soomaaliya?

Howlgalka ATMIS oo la filayo inuu gebi ahaanba baxo dabayaaqada sannadkan ayaa weli ku leeyahay mushaarooyin iyo gunnooyin gaaraya ilaa $100 milyan.

  • Soomaliya

    10-05-2025

  • 05:31PM

Firdhiye oo Xasan Sheekh la wadaagay Warbixin ku saabsan Xaaladda SSC-Khaatumo

Firdhiye ayaa uga mahadceliyay sidoo kale Xasan Sheekh casuumaadda uu usoo diray ee ka qeybgalka Shirka Gollaha Wadatashiga Qaran.

  • Soomaliya

    10-05-2025

  • 04:15PM