Qodobada fashiliyey shir doorashada ee madaxda Soomaalida

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Shir madaxeedkii madaxda Soomaalida ee xalka loogu goobayey is-mari-waaga doorashooyinka Soomaaliya ayaa wuxuu mar kale kusoo dhamaadey natiijo la’aan.

Fahfaahino dheeraad ah ayaa laga helayaa qodobada madaxda isaga soo dhawaadeen iyo kuwa ay isku fahmi waayeen ee ugu dambeyntii dhabaha u xaarey in uu burburo kulankan.

Sidda ay muujinayaan warbixinadda, hogaamiyeyaasha Soomaalida ayaa kulamadii horey isaga soo dhawaadey;

1-Beesha caalamku damiin (grantore) ka noqoto dhaqan-gelinta heshiiska

2-In Guddiyada doorashada ee lagu muransan yahay la beddelo.

3-In furitaanka Shirka laga qeyb geliyo daneeyeyaasha sida Madaxweynayaashi hore iyo afhayeenada labada aqal.

Hasa ahaatee, waxaa lagu waramay in ay isku aragti ka noqon waayeen qodobadda kala ah;

1-In gobolka Gedo loo sameeyo maamul gaar ah (dalabkan waxaa la sheegay in uu ka yimid Farmaajo]

2-In laga arrin-sado amniga doorashadda (Jubaland iyo Puntland waxay soo jeediyeen in xukuumadda xil-gaarsiinta la wareegto) balse (Farmaajo wuxuu ku adkeystay in uu haysto awoodda amni iyo maamul ee doorashada)

Sidda ay xogaha muujinayaan, qodobka ku saabsan in maamul gooniya loo sameeyo gobolka Gedo qeyb ka ahayn arrimihii madaxda ka shirtay labadii kulan ee horey uga dhacay Afasiyooni.

Tani ayaa soo shaac-baxeysa iyaddoo shalay ay dowladda federaalka Muqdisho kula shirtay odayaal la sheegay in ay kasoo jeedaan gobolka Gedo "kuwaasoo ay kala hadashay qadiyada Jubaland".

Villa Soomaaliya ayaa awood ciidan kula wareegtay gobolka Gedo. Sidoo kale, waxay dhowaan la heshiisay Cabdirashiid Janan, wasiirkii amniga Jubaland, kaasoo ciidamo badan ku wareejiyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baydhabo oo sugeysa dagaal kaga yimaada Ciidamada Dowladda Soomaaliya

Taariikh ahaan, dhacdooyinka noocan ah waa kuwo horey u dhacey, oo sal u ah khilaafyada…

  • Soomaliya

    29-03-2026

  • 08:34PM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Beesha Caalamka u Gudbiyay Dacwad ka Dhan ah Faragelinta Itoobiya

Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu si adag ugu dacwoodo faragelin uu sheegay inay dowladda Itoobiya ku hayso arrimaha gudaha ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    29-03-2026

  • 09:16AM