Qodobada looga hadlay kulanka Shariif iyo Swan oo la shaaciyey

Image

LONDON, UK – Xisbiga uu hogaamiyo Shariif Sheekh Axmed ayaa fahfaahin ka bixiyey kulan dhexmaray madaxweynihii 7aad ee Soomaaliya iyo wakiilka Qaramada Midoobay, James Swan.

Kulankaan gaarka ah ayaa wuxuu ka qabsoomay magaalada London ee cariga waddanka Ingiriiska, sidda ku xusan qoraalka.

Labadda mas’uul ayaa booqasho shaqo ku joogay Boqortooyadda Britain, halkaasoo ay siyaabo kala duwan kula kulmeen Jaaliyadda.

Hoos ka akhriso qoraalka xisbiga Himilo Qaran

Kulan ay ku yeesheen Magaalada London Madaxweynihii hore ahna Hogaamiyaha Madasha Xisbiyada Qaran Sheekh Sharif Sheekh Axmed iyo Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobey Ambassador James Swan ayaa looga hadley arrimo ay kamid yihiin.

In Doorashada Galmudug ay noqoto mid Process-keeda loo wada dhanyahay

Qabsoomidda doorasho waqtigeeda ku dhacda oo heshiis lagu wada yahay qaabkeeda

Iyo Xal u helidda khilaafka u dhaxeeya Dowladda dhexe iyo Maamul Goboleedyada


Qaramada Midoobay ayaa horey u caddeysay mowqifkeeda ku aadan in doorashadda Galmudug noqoto mid loo dhan yahay iyo in coddeynta guud ee 2020-21 aysan waqtigeeda ka dhib-marin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo tababar u furay Cutubyo ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Puntland

Tababarka loo furay guutada saddexaad ayaa ka dhacay xarunta tababarka ciidamada ee Xorgoble ee magaalada Qardho.

  • Soomaliya

    09-04-2026

  • 06:22PM

Garsoore Soomaaliyeed Cumar Cartan oo loo xushay Koobka Adduunka 2026

Cumar Cartan ayaa si kooban uga falceliyay warka, isaga oo boggiisa Facebook ku qoray “Alhamdulillah,”.

  • Soomaliya

    09-04-2026

  • 05:06PM