​Qof ku dhintay iska hor-imaad ka dhacay Jowhar

Image

JOWHAR, Somalia- Hal qof ayaa geeriyooday saddex kalena waxaa soo gaaray dhaawacyo kala duwan kadib markii uu dagaal ku dhexmaray gudaha magaalada Jowhar ciidamo kawada tirsan kuwa maamulka Shabeellaha dhexe.

Iska hor-imaadka labada ciidan ayaa ka dhacay suuqa xoolaha degmadaas, waxaana sababta is-rasaasaynta keentay lagu sheegay is-maandhaaf dhexmaray labo askari.

Dad goob joogayaal ah ayaa GO u sheegay in Dagaalku yimid kadib markii Askari ka tirsan ciidanka dowladda uu jirdil u geystay nin ka mid ah wadayaasha Mooto saddex lugood-layda ah ee Somalidu u taqaan "Bajaaj" kadibna tallaabadaas uu ka xumaaday Askari kale.

Waxyeellada ka dhashay dagaalkaas ayaa la sheegaya inuu  ku koobanyahay dhinacyada dagaallamay inkastoo goobta ay joogeen dad badan oo shacab ah.

Suuqa lagu dhex dagaallamay waxaa markii dambe soo gaaray ciidamada booliiska degmadaas oo xaaladda kusoo celiyay sidii hore.

Maaha markii ugu horaysay Askar katirsan kuwo maamulka gobolkaas is-ka hor imaad dhexmaro, balse falkan ayaa imaanaya xilli magaaladaas caasumad looga dhigay maamulka Hir-Shabeelle oo hadda si rasmi ah ugu shaqeeya.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay dhinaca maamulkaas iyo kuwa gobolka oo ku saabsan is-rasaasaynta suuqa ku dhexmartay ciidamadaas.

GAROWEONLINE

Related Articles

Safiirka UK oo Muqdisho ku tilmaamay mid ka mid ah goobaha ugu khatarta badan dunida  

Safiirka ayaa ku dhuftay in wadashaqayn dhow oo ay la leeyihiin dowladda Soomaaliya, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-05-2026

  • 01:41PM

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM