Qoorqoor oo beeniyay in xurguf shaqsi kala dhaxeyso Deni

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug – Madaxweynaha maamulka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoor-qoor ayaa markii u horeysay wuxuu wajahay wararka baraha bulshada lagu faafiyey ee xeerinaya in ay xurguf shaqsi ah kala dhaxeyso dhigiisa dowlada Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni.

Qoorqoor oo u waramay wariye Cabdixaafid Maxamed Jaamac laguna faafiyey baraha bulshadda ayaa ganafka ku dhuftay wararkaas, isaga oo ku sifeeyay "waxba kama jiraan taas. Sal iyo raadna ma leh".

Hasa ahaatee, Qoor-qoor oo kamid ah madaxda maamuladda daacadda u ah maamulka Farmaajo ayaa si toos ah wuxuu u xaqiijiyey in ay Deni ku kala aragti-duwan yihiin xalka khilaafka doorashooyinka.

Isaga oo ka jawaabay su'aasha ayauu yiri: "Wax shaqsi ah oo naga dhaxeeya aniga iyo Saciid [Deni] ma jirto. Laakiin kala aragti-duwanaan sidda ay sheegtay – qof kasta feker gooniya ah ayuu leeyahay".

"Bal sidda aad sheegtay aniga iyo Deni waxaa madax ka nahay laba maamul oo deris ah oo wax badan isaga xeran yihiin sidda Soomaalida oo dhan aan isaga sii duwanahay ayaan madax ka nahay. Haddana mudadii aan aniga xafiiska joogay wadashaqeyn buuxda oo aan dhibaato dhicin ayaan leenahay waliba waxaan leenahay gacansaar, iskaashi iyo wadatashi gooniyaa leenahay," ayuu hadalkiisa kusii daray hogaamiyaha maamulka Galmudug.

Wuxuu hadalkiisa intaas ku daray: "Aragtida dooda miiska saaran sidda ay labada ninba la tahay dee shaqsi ma ahan saameyna kuma leh xiriirka ka dhaxeeya iyo wadashaqeynta labadda dowladood".

Dhanka kale, madaxwayne Qoorqoor oo xusay in aan wali la muddeyn kulan kale oo dhexmaraya hogaamiyeyaasha Soomaalida ayaa "mas'uuliyad wadareed" wuxuu ku tilmaamay "in natiijo la'aan kusoo dhamaado" shirkii Afasiyooni, isagoo intaas ku daray "in ay dhaceen arrimo aan la fileyn".

Xilli uu shaaciyey in aysan jirin cid diidey in shirka kasoo qeybgalaan afhayeenada labada aqal iyo madaxwayneyaashii hore, haddana Qoorqoor ayaa si cad wuxuu uga hor-yimid in wakiiladda Beesha Caalamka ay goobjoog ka noqdaan wadahadaladda kuna qeexay "wax aan macno lahayn".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sidee Xasan Sheekh ku kala raabey Musharaxiinta Xisbiga JSP ee doorashadda Koonfur Galbeed?

Heshiiskan ayaa soo afjaraya hadal-hayn badan iyo hubanti la’aan siyaasadeed oo ka jirtay magaalada Baydhabo.

  • Soomaliya

    26-04-2026

  • 09:15PM

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM