Qorax-madoobaad laga arkay qaybo kala duwan oo kamid ah Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Qayb kamid ah qoraxda ayaa madoobaatay Soomaaliya. Caasimadda Muqdisho waxay kamid tahay meelaha laga arkay. Si lamid ah, qaar kamid ah gobolada waa laga soo wariyey.

Dadweynaha oo tilmaamay in ay aad uga argagaxeen dhacdadaan rabaaniga ah ayaa u cararay Masaajidada si ay u oogaan Salaatul Jaamica.

Inkasta oo ay ka dhawaajiyeen in qorax-madoobaadka guud ahaan la filayo December 14-keeda, haddana khuburada falaga waxay xuseen in qayb kamida bisha la qaban doono 21-ka bisha June ee sanadka 2020-ka.

Noocyadda ugu caansan ee qorax madoobaadka ayaa waxaa la sheegay in ay kala yihiin; Partial, Annular iyo Total Eclipse – Dayax-madoobaad qayb ah, mid dhameystiran iyo mid yar.

Partial waa marka qayb kamida qoraxda ay madoobaato, Annular waa xilliga dayaxu isku gudbo iftiinka qoraxda, balse uusan si buuxda u wada qarin qorraxduna hareeraheeda ka iftiimayso.

Total Eclipse waa marka qoraxda ay si buuxda u madoobaato isla markaana aanan lawada arkeyn, waxaana isbedelaya iftiinka ama jawiga.

Marka laga yimaado in ay tahay dhacdo rabaani ah oo awooda ALLE u muujineyso bini'aadamka, Culimada falagada ayaa rumeysan in qorax-madoobaadka uu yimaado marka dayaxu marayo harka iyo hooska dhulka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo Taageertay Wada-hadallada Is-mari-waaga Doorashada

Baqaan wada-hadal ee uu horay u soo saaray Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay u helay taageerada Midowga Yurub.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 10:44AM

Farmaajo: Muuse Biixi wuxuu aqbalay midnimada Soomaaliya kadib dhexdhexaadintii Abiy Ahmed

Farmaajo wuxuu intaas ku daray in Abiy Ahmed uu u sheegay Muuse Bihi in Somaliland aysan heli doonin aqoonsi caalami ah.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 09:33AM