Qorshe lagu dejinayo xiisada Farmaajo iyo Rooble oo bilowdey

Image
Warsidaha Garowe Online ayaa fahansan in Rooble uu "diidmo adag ka muujiyey dedaaladan".

MUQDISHO, Soomaaliya - Qorshe la isugu soo dhaweynayo Farmaajo iyo Rooble ayaa abaabulkiisa laga dareemay Muqdisho, sida ay Garowe Online u xaqiijiyeen illo wareedyo aad loogu kalsoon yahay.

Mareegga GO ayaa fahansan in qorshahan ay dedaal ka riixayaan siyaasiyiin u dhow labada dhinac qaarkoodna ay ka tirsan yihiin xukuumadda xilgaarsiinta ee loo xilsaarey daadihinta doorashada.

Sida ay muujinayaan warbixinadda, waanwaantan ayaa waxay u muuqataa mid kaliya la doonayo in cadaadiska iyo dharbaaxadda looga leexiyo madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaadey.

Hase ahaatee, wasiirka koowaad ee xukuumadda xilgaarsiinta Rooble ayaa kasoo horjeeda nooc walba oo dhexdhexaadin oo loo sameeyo isaga iyo Farmaajo "isaga oo u arka mid waqti lumis ah".

Hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo qoraal ku daabacay ciwaankiisa gaarka ah ee Facebook-ga, ayaa si weyn u dhaliilay dadka ololahan bilaabay.

"Wasiirro baa la leeyahay dhexdhexaadin ayay wadaan, su’aashu waxay tahay halkey jireen markii Raysal-wasaarahooda la yiri hanti buu dhacay, iyo markii ciidan uu Farmaajo soo diray ay xafiiska Xukuumaddii ay ka tirsanaayeen xireen, iskuna dayeen in ay xoog talada dalka kula wareegaan," ayuu ku daabacay Facebook-giisa.

Musharaxa madaxwayne ayaa ku daray: "Mid falkaas canbaareeyey lama maqal, balse qaar baa la sheegay in ay safiirrada beesha caalamka ku lahaayeen Farmaajo ayaa saxan, dhexdhexaad maaha qof aan af-gambigii Farmaajo canbaaraynin. Waad maqli doontaan iyagoo leh waan is casilnay, sababtoo ah RW ayaa naga talo diiday".

Farmaajo iyo Rooble ayaa isku haya daahfurnaanta doorashooyinka. Labada mas'uul ee ugu sareeya waddanka waxay maalmihii lasoo dhaafay warbaahinta isku mariyeen hadalo abuuray xiisad culus.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Khilaaf xooggan oo ka dhex qarxay Xisbiga Xasan Sheekh

Dhaawaca ugu weyn ee soo gaaray xisbiga ayaa loo arkaa go’aanka uu qaatay xoghayihii xisbiga, Cabdiraaxmaan Odowaa.

  • Soomaliya

    23-03-2026

  • 09:27AM

Dowladda Federaalka oo Shaacisay inuu Idlaaday Muddo-xileedka Hoggaanka Koonfur Galbeed

Ilaa hadda, madaxtooyada Koonfur Galbeed kama soo bixin jawaab rasmi ah oo ku saabsan shaacinta firaaqda xafiiska.

  • Soomaliya

    22-03-2026

  • 09:36PM