Ra'iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre: "Waxaan jabinay darbi weyn"

Image
Wasiirka koowaad ee xukuumadda federaalka ah ayaa ka hadlay munaasabad ka dhacdey Muqdisho.

MUQDISHO, Soomaaliya - Raiisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa hadal ka jeediyey Munaasabadda guusha taariikhiga ee qaadista Cuna-qabataynta hubka Soomaaliya.

Wasiirka koowaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa uga mahadceliyey cid walba oo kaalin ka qaadatay in Soomaaliya laga qaado cuna-qabataynta hubka

“Mar walba oo aan guul gaarno waxa ay ku tusinaysaa in aysan si bilaash ah ku iman ee ay ku timid darbi weyn oo Soomaali kali ah jabin wayday balse lagu jabiyey dadaalkeenna iyo iskaashiga aan la leenahay saaxiibbada caalamka," ayuu yiri.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobaya ayaa 1-dii December, 2023 waxa uu xayiraadda hubka ka xayuubiyey Soomaaliya taasoo soo afjartey go'doomin taagmeyd 31-sano.

GAROWE ONLINE

 

 

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM