Xamse: Soomaaliya way ka baxday liiska waddamada qaamaysan

Image
Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in dhammeystirka geeddiga Deyn Cafinta Soomaaliya ay tahay guul taariikhi ah.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in dhammeystirka geeddiga Deyn Cafinta Soomaaliya ay tahay guul taariikhi ah oo u soo hoyatay ummadda Soomaaliyeed oo uu saarnaa culeyska lacag dhan $5.2Billion.

Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlay munaasabad loogu dabaal-dagayey guushan weyn ah, ayaa hoosta ka xarriiqay in Soomaaliya ay ka baxday liiska waddamada qaamaysan. taas oo horseedi doonta in dalkeenna iyo dadkeenna la aamino, isla markaana aan helno soo jiidashada maalgashadayaal caalami ah, Horumar dhaqaale, isku filnaansho amni, adeeg bulsho oo horumarsan iyo rajo u abuuridda dhallinyarada Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha Xamsa Cabdi Barre, ayaa xusay in caawa ay ummadda Soomaaliyeed u tahay habeen guul ku suntan, maadaama laga cafiyey deyntii ka hortaagnayd dalka horumarka, taas oo ku timid shaqo adag oo ay soo qabteen dowladihii kala danbeeyey iyo dowladda maanta dalka hoggaamisa.

Xamsa ayaa uga mahadceliyey cid walba kaalintii ay ka soo qaadatay guusha Soomaaliya looga cafiyey deynta oo soo martay marxalado kala duwan, tan iyo laga soo bilaabo sanadkii 2013 oo ay Soomaaliya bilowday geeddigan ay ku dalbanayso in deynta looga cafiyo.

Xukuumadda #Dan-Qaran ayuu Ra’iisul Wasaaruhu tilmaamay in ay xaqiijisay guulo-waaweyn oo ay kamid yihiin dagaalka Khawaarijta ee mid fikir, dhaqaale iyo ciidanba, Ku biiridda Bulshada Bariga Afrika (EAC), qaadista Cunaqabateynta hubka, iyadoo ay miiska saaran yihiin, xoreynta qeybaha dhimman ee
dalkeenna, la wareegidda iyo hanashada amniga, bixidda ATMIS iyo qabyo-tirka Dastuurka KMG oo kamid ahaa wax yaabihii ay xukuumaddu horgeysay Baarlamaanka.

Munaasabadda dabaal-dagga guusha cafinta deyntii lagu lahaa Soomaaliya oo ay ka qeyb galeen masuuliyiin ka tirsan labada gole ee dowladda, maamulka gobolka Banaadir, madaxda hey’adaha amniga, culima’udiinka iyo qeybaha bulshada, ayaa waxaa shahaadooyin lagu guddoonsiiyey hey’adihii sida weyn uga soo shaqeeyey guusha caawa loo dabaal-dagay.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Dagaal Beeleed khasaare dhashay oo ka dhacay Degmada Jalalaqsi iyo Maamulka Hirshabelle oo ku baxay

Wuxuu si kulul u cambaareeyay gubista guryaha iyo baahinta sawirrada rabshadaha wata ee lagu baahinayo baraha bulshada.

  • Soomaliya

    20-06-2026

  • 09:31AM

Xiisad Siyaasadeed oo Laga Dareemayo Galmudug: Mahad Salaad oo gaarey Dhuusamareeb

Qoorqoor ayaa la sheegay inuu si adag u adkaysanayo in uu xaq u leeyahay inuu si xor ah uga qayb galo tartanka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 10:18AM