Ra'iisul Wasaare Khayre oo u safray dalka Turkiga

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa u safray saaka dalka Turkiga, kadib markii dowladda dalkaasi uu ka helay casuumaad rasmi ah.

Wasiiro, Xildhibaanno iyo Mas'uuliyiin kale oo katirsan labada Golle ee dowladda Soomaaliya, ayaa Khayre ku wehliya booqashadiisa Turkiga, taasi oo qaadan doonto mudo saddex maalin ah.

Mudane Khayre ayaa kulan la qaadan doono inta uu joogo Turkiga, dhigiisa wadankaasi Binali Yıldırım, oo kawada hadli doonaan xiriirka labada dalka iyo taageerada Turkiga ee Soomaaliya.

Safarka Khayre ayaa ah mid horey loo filayay, oo baaqday kadib markii uu dhacay qaraxii Zoobe 14-ka bishan, kaasi oo dadkii ku dhaawacmay qaar loo qaadey Isbitaallo ku yaala dalka Turkiga. Halkan ka akhri Warbixinta.

Dowladda Federaalka ayaa xiriir dhaw la leh Turkiga, oo caawiya dhinacyada dhaqaalaha iyoo ciidanka, iyadoo uu ka furtay dhawaan Muqdisho saldhigga ugu weyn ee caalamka ku yeesho.

Ankara ayaa la safatay Qadar, oo xiriirka u jareen Sacuudiga iyo xulufadiisa 5-tii bishii June, iyadoo dowaldda Federaalka dhex-dhexaad ka noqotay Khilaafka ka taagan dalalka Khaliijka carabta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muqdisho oo laga dejiyay qalab milatari oo ka yimid Israa'iil

Sida ay sheegayaan isla ilo wareedyadaas, shixnadda waxaa lagu wareejiyay xafiis Qaramada Midoobay ku leeyahay Muqdisho.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 01:49PM

Mareykanka oo ballanqaaday inuu Soomaaliya ka taageerayo dagaalka argagixisada iyo musuq-maasuqa

Mareykanku wuxuu garab taagan yahay shacabka Soomaaliyeed dagaalka ay kula jiraan argagixisada, musuq-maasuqa.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 11:58AM