Rooble oo isku-shaan-dheyn sameeyay xilli ay xiisad jirto

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa Axada maanta ah wuxuu isku-shaan-dheyn ku sameeyay qaar kamid ah wasiiradiisa.

Wasiirka Warfaafinta, Cismana Abuukar Dubbe, ayaa warbaahinta dowladda ka akhriyey wareegtada kasoo baxdey xafiiska Rooble ee is-bedelka lagu sameeyay Laanta Fulinta ee waddanka.

Sidda ku xusan digreetadda oo nuqul kamid ah uu arkay Garowe Online, isku-shaan-dheynta ayaa si gaar ah waxay u saameysay Wasaaradaha Duulista Hawada iyo Shaqada & Arrimaha Bulshada.

"Laga bilaabo maanta mudane Duraan Axmed Faarax waxaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada, halka mudane Maxamed Salaad Oomaar loo magacaabay wasiirka wasaaradda shaqadda iyo arrimaha bulshadda," ayaa lagu yiri warka wareegtadda.

Wareegtadda ayaan lagu bixin tafaasiil dheeriya oo ku saabsan sababaha soo dedejiyey isku bedelka labadda wasaaradood. Hasa ahaatee, waxay imaaneysaa xillli waddanka uu wajahayo xiisad doorasho.

"Wasiiradda cusub ee gaadiidka iyo shaqada waxaa la farayaa in ay sidda ugu dhaqsaha badan ugu kala wareegaan xilka," ayaa lagu soo gabagabeeyay warka qoraalka ah ee uu akhriyey Dubbe.

Duraan ayaa kasoo jeeda degaanadda Puntland, halka Oomaar uu kasoo jeedo Jubaland. Labadan maamul waxay si weyn uga soo horjeedaa nooca doorasho ee maamulka Farmaajo rabo in dalka uu ka qabto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baydhabo oo sugeysa dagaal kaga yimaada Ciidamada Dowladda Soomaaliya

Taariikh ahaan, dhacdooyinka noocan ah waa kuwo horey u dhacey, oo sal u ah khilaafyada…

  • Soomaliya

    29-03-2026

  • 08:34PM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Beesha Caalamka u Gudbiyay Dacwad ka Dhan ah Faragelinta Itoobiya

Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu si adag ugu dacwoodo faragelin uu sheegay inay dowladda Itoobiya ku hayso arrimaha gudaha ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    29-03-2026

  • 09:16AM