Rooble oo furey Shirka Gollaha Wadatashiga Qaran [Sawirro]

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaare Rooble ayaa Saakay ka furey Teendhada Afisyooni Shirka Gollaha Wadatashiga Qaran, oo looga hadlayo arrimaha dardar-gelinta doorashooyinka dalka iyo sixida tabashada ka timid hanaanka.

Waxaa ka qeybgalaya Madaxweyniyeyaasha shanta Dowlad Goboleed, Deni, Qoor-Qoor, Guudlaawe, Lafta-Gareen iyo Axmed Madoobe, oo wehliyo duqa Muqdisho Cumar Filish.

Beesha Caalamka ayaa taageertay qabashada shirka, si wadanka doorashadiisa loo dhameystiro, islamarkaana loo helo dowlad cusub oo lasoo doortay, taasoo ah xalka kaliya ee looga bixi karo khilaafka siyaasadeed ee ka jira Soomaaliya.

Rooble ayaa shirka qorsheeyay inuu furmo Dec 27, balse dib u dhac ayaa ku yimid kadib markii Farmaajo uu isaga shaqada ka joojiyay, taasoo ka dhalatay xiisad colaadeed oo Muqdisho laga dareemay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Gollaha Wasiirada oo xilkii ka qaaday Mustaf Dhuxulow, magacaabayna agaasime cusub

Idow ayaa ka mid ahaa xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ee sida weyn ugu lugta lahaa geedi-socodka wax-ka-beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    13-04-2026

  • 01:50PM

Jarmalka: Dagaalka Iran wuxuu reebi doonaa burbur dhaqaale oo raad dheer

Waxaan dhimaynaa canshuurta tamarta ee naaftada iyo batroolka qiyaastii 17 senti oo Yuuro halkii litir muddo laba bilood ah.

  • Soomaliya

    13-04-2026

  • 01:40PM