Rooble oo kulan la qaatey Musharixiinta Mucaaradka [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Golaha Wadatashiga Qaran oo uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la yeeshay wakiillo ka socda Midowga Musharraxiinta.

Waxay ka wada hadleen dardargelinta howlaha doorashooyinka iyagoo ka dhageystay talooyinkooda ku aaddan hufnaanta doorashada, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska Ra'iisul Wasaaraha.

Musharixiinta ayaa horey u qaadacay doorashadda kadib markii musuq-maasuq iyo hufnaan la'aan ay hareysay hanaanka lagu soo xulayo Xildhibaanada oo noqday mid boob ku salaysan, sida ay sheegeen.

Beesha Caalamka ayaa sidoo kale walaacaas muujisay, oo ku baaqdey in la saxo qaldaadka jira, si natiijada imaanaysa u noqoto mid lagu wada wanacsan yahay, oo dalka ka badbaadin karta fowdo iyo qalalaase horleh.

Rooble oo mas'uuliyadda doorashoorinka kala wareegay Farmaajo May 2020, ayaa ku qaban waayay sanad, iyadoo loo gudbay sanadkii labaad, waxaana soo ifbaxay khilaaf kale oo isaga iyo Farmaajo u dhaxeeya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Khilaaf xooggan oo ka dhex qarxay Xisbiga Xasan Sheekh

Dhaawaca ugu weyn ee soo gaaray xisbiga ayaa loo arkaa go’aanka uu qaatay xoghayihii xisbiga, Cabdiraaxmaan Odowaa.

  • Soomaliya

    23-03-2026

  • 09:27AM

Dowladda Federaalka oo Shaacisay inuu Idlaaday Muddo-xileedka Hoggaanka Koonfur Galbeed

Ilaa hadda, madaxtooyada Koonfur Galbeed kama soo bixin jawaab rasmi ah oo ku saabsan shaacinta firaaqda xafiiska.

  • Soomaliya

    22-03-2026

  • 09:36PM