Rooble oo lagu eedeeyay in uu "ka baxay" dhexdhexaadnimada

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Siyaasiyiinta ka soo jeeda gobolada waqooyiga ee dowlada federaalka, oo uu hogaaminayo Gudoomiyaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa eedeyn culus u jeediyey ra'iisul wasaare Maxamed Rooble.

Rooble ayay xuseen inuu ka xaglinayo xalinta khilaafaadka doorashada kadib markii "uu diiday inuu ka saaro guddiga maamuleysa codbixinta kuraasta Somaliland ee kamidka ah shaqalaha rayidka ah iyo hay'addaha amniga".

Eedeyntan ayaa kusoo aadeysa xilli todobaadkii hore Roobla uu Rooble caasimada Muqdisho kula shiray wakiilada Somaliland ee dowladda federaalka kulankaas oo natiijadda kasoo baxdey aan si rasmi ah loosoo bandhigin.

Balse, qaar kamid ah xubnaha ka qeybgalay ayaa ka dhawaajiyey in wasiirka koowaad ee federaalka uu u muujiyey in uusan diyaar u ahayn xal u helida tabashooyinka ay ka qabaan xubnaha kamidka ah guddiga doorashada.

Xubnaha cabashadda ka jirto ayaa waxaa kamid ah xubin ay Villa Soomaaliya u dooneyso guddoonka guddiga kaasoo garabka taageersan ra'iisul wasaare ku xigeenka ay Muqdisho ugu doorteen guddoomiyaha guddigaan.

Doorashaddaas ayaa sababtay in garabka taageersan Cabdi Xaashi ay dhankooda caasimadda ku doortaan guddoon. Tani waxay mar kale kicisay khilaafka guddiyada doorashada gobolada waqooyi oo horey caqabad u ahayd.

Dhexdhexaadnimo la'aanta lagu eedeynayo xafiiska ra'iisul wasaaraha ayaa haddii la xaqiijiyo waxay noqon kartaa dharbaaxo kale iyaddoo ay dhalineyso su'aallo ku geedaaman qaabka loogu aamini karo coddeynta waddanka.

Qoraalka siyaasiyiinta gobolada

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM

Jubaland oo ka digtay hubanti la’aan siyaasadeed iyo faragelin shisheeye

Ugu dambeyn, Jubaland waxay ugu baaqday madaxda siyaasadda dalka in ay mudnaanta siiyaan ilaalinta midnimada iyo xasilloonida.

  • Soomaliya

    23-04-2026

  • 04:43PM