Rooble oo magacaabay guddi ka taageera fulinta doorashada

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa magacaabay guddi la sheegay in uu ka shaqeyn doono howlaha hirgelinta doorashooyinka 2020-21.

Sida ku xusan wareegtada, waajibaadka guddiga ayaa ah; isku xirka dhammaan howlaha doorashooyinka ee hey’adaha ku shaqada leh, sida Beesha Caalamka, Golaha Wadatashiga Qaran iyo Guddiyada kale ee doorashooyinka heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed.

Xubnaha guddiga oo ka kooban todoba xubnood waxaa kamid ah; Cabdiqaadir Cilmi kaasoo lagu waramay in ay muddo tobban sano ah ay iskala shaqeynayeen hay'adda shaqaalaha aduunka ee ILO.

Cabdiqaadir ah ayaa guddoomiyaha guddigan iyaddoo uu wehlinayo Cumar Dhagey oo ah khabiir arrimaha doorashooyinka isla markaana ahaa Guddoomiyhii guddigii doorashada ee 2016.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Rooble uu magacaabidan guddigan isaga yareynayo cadaadiska kaga imaanaya Villa Soomaaliya iyo Mucaaradka lana xiriira howlaha fududeynta qabsoomida doorashooyinka.

Si gaar ah magacaabidan guddigan ayaa kusoo hagaageysa xilli buuq badan uu ka dhashay qaabka loo kala shaandheynayo xubnaha cabashada laga gudbiyey ee kamid ah guddiyada doorashooyinka Soomaaliya.

Musharaxiinta ayaa gudbiyey 67 xubnood oo ay sheegeen in ay isugu jiraan taageereyaasha Villa Soomaaliya, saraakiil sirdoon iyo shaqaale dowladeed, balse xukuumada waxay liiska ka saartey 34 xubnood.

Hoos ka akhriso magacyada xubnaha guddiga

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM