Rooble oo raaligeliyey hogaamiyaha maamulka HirShabelle

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa raaligeliyey madaxweynaha HirShabelle, Cali Guudlaawe, sida uu Isniinta maanta ah shaaciyey xafiiskiisa.

Sida ku xusan qoraalkan lagu faafiyey barta rasmiga ah ee Facebook-ga ee xukuumadda, Guudlaawe ayaa kulanka lagu dardargelinayo arrimaha doorashooyinka wuxuu kaga qeybgalayaa Zoom.

"Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo Khadka telefoonka kula hadlay madaxweynaha Dowlad-goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) ayaa ka raalli galiyay tabashadii uu ka qabay ka qeyb galka Shirka Golaha Wadatashiga Qaran. Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa shirka maanta furmaya uga qeyb galaya aaladda fogaan aragga ee ZOOM," ayaa lagu yiri warka qoraalka ah ee xafiiska wasiirka koowaad.

Bayaanka ayaa sida muuqata waxaanan lagu fahfaahin tabashada Guudlaawe taasoo warar soo baxaya ay sheegayaan in ay salka ku haysa "ixtiraam daro siyaasadeed oo lagu sameeyay".

Sida ay muujinayaan warbixinada, Guudlaawe ayaa ka cabanaya in aan loo joojin markii uu internet-ka ka go'ay isaga oo jooga Turkiga oo uu ka qeybgalayey shir madaxu yeelatay 21-kii June, 2021.

"Sidoo kale, wuxuu Guudlaawe tirsanayaa cabashooyin ay kamid tahay in hab-maamuuskiisa hoos loo dhigay mudadii uu socday shirkii arrimaha doorashada ee Muqdisho," ayay sheegeen illo wareed.

Wadahadalada lagu karaar-siinayo doorashooyinka Soomaaliya ayaa qorshuhu ahaa in ay bilowdaan 27-dii bishaan June, hase ahaatee, waxaa dib-u-dhigay arrimahan soo kordhay ee xalka laga gaarey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM