Sacuudiga oo albaabada u laabaya sideed iskuul Turkish ah

Image

RIYADH, Saudi Arabia - Sacuudi Carabiya ayaa waxay go'aansatay in ay xirto sideed iskuul oo Turkish ah dhamaadka sanad dugsiyeedka haatan socda, sida Arbacada maanta ah ay ku warantay wakaalada rasmiga ah ee Turkiga Anadolu.

Go'aanka ka careysiin doona xukuumadda Ankara ayaa dooneysa inay hagaajiso xiriirka ay la leedahay Riyadh kaasoo xumaa wixii ka dambeeyay dilkii safaaradda Sacuudiga ee Ankara loogu geystay wariye Jamal Khashoggi.

Mas'uuliyiinta Sacuudi Carabiya ayaa ku wargeliyay Wasaaradda Waxbarashada ee Turkiga in siddeeddan machad ay qasab tahay in ay albaabada u laabaan si joogto ah dhammaadka sannad dugsiyeedkan hadda socda.

Dugsiyadan waxaa wadar ahaan wax ka baran jiray 2,256 arday, sida ay sheegtay wakaaladda wararka Faransiiska ee AFP oo soo xigatay warbixin kasoo baxdey Wasaaradda Waxbarashadda Turkiga.

Balse, wasaaradaha Arimaha Dibada iyo Waxbarshada Turkiga ayaan wali wax jawaab ah ka bixin go'aanka ay qaadatay boqortooyadda Sacuudiga oo qudheeda aanan fahfaahin sababta ay go'aankan u qaadaneyso.

Falanqeeyeyaasha ayaa rumeysan in go'aanka Sacuudiga uu noqon karo bar cusub oo uu ku xumaado cilaaqaadka labada waddan kuwaasoo bilooyinkii lasoo dhaafay muujiyey calaamado isu soo dhowaanshiyo ah.

Turkiga ayaa si weyn ugu gurmaday Qadar kadib markii ay xayiraadyo kusoo rogaadeen dalal uu Sacuudiga horkacayo kuna jirto Imaaraadka Carabta. Hasa ahaatee, xiisadaas ayaan wali si kama dambeys ah u soo dhamaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM