Saddex su'aal oo ka dhashay "baxsashadda" wasiir Janan

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka tirsan Aqalka Hoose ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka falceliyey warka ku saabsan "fakashada Cabdirashiid Janan.

Taliska Booliska Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in uu baxsadey Wasiirkii Amniga Jubaland oo dowladda Soomaaliya u xirnaa tan iyo bishii August ee sanadkii lasoo dhaafay 2019-ka.

Mudanahaan ka tirsan Xisbiga Midowga Nabada iyo Horumarka ayaa saddex su'aal ka keenay akhbaarta ku saabsan in uu baxsaday Janan, oo maxkamad lasoo taagay kaliya hal jeer.

Hoos ka akhriso qoraal uu Fiqi soo dhigay Facebook

Nin la soo afduubtey markii hore, guri aan la aqoon ku xirnaa, xaaladda uu ku sugnaa aan xitaa reerkiisii ka war-heyn, in maantay la yiraahdo waa fakadey, waxaa ka dhalanaya su’aalo badan!

1. Intaan naloo sheegin fakashadiisa, umadda haloo sheego xabsiga uu ku xirnaa oo sidaas u fudud In laga baxsado?

2. Yaa mas’uul ka ahaa wasiirkaas la soo afduubtey oo loo xilsaaray ilaaladiisa?

3. Ma dhici kartaa in warkaan baxsashada ah loogu marmarsoonayo in la khaarijiyo oo saacadaha soo socda ay Zakia mar kale noo sheegto asagoo sii baxsanaya ayaa askartii cayrsanaysay xabbado ay ku rideen ayuu u dhintey?

Wasiir Janan waxaa asagoo nool afduubtay dawladda federaalka, waxaa asagoo nool laga rabaa dawladda federaalka ah, wixii intaas ka soo harey waa riwaayaddii raqiiska aheyd ee kooxda Villa Soomaaliya!


GAROWE ONLINE

Related Articles

Go’aanka Mareykanka oo saameyn ku yeeshay howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya

Howlgalka ayaa si weyn ugu tiirsan taageerada UN-ka si loo bixiyo adeegyada saadka, caafimaadka iyo gaadiidka ciidamada.

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 01:51PM

Soomaaliya: Xasan Sheekh oo loogu baaqey inuu xilka ka dego

War-saxaafadeedka ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed, siyaasiyiinta iyo bulshada rayidka ah inay ilaaliyaan dastuurka.

  • Soomaliya

    05-07-2026

  • 10:22AM