Saddex talaabo uu Rooble kaga jawaabi karo diidmadii AU-da

Image
Midowga Afrika ayaa ku gacan-seyray ceyrinta wakiilkoodii Soomaaliya Francisco Caetano Jose Madeira.

MUQDISHO, Soomaaliya – Ismaaciil Daahir Cusmaan, taliye ku xigeenkii hore ee NISA, oo la hadlay Garowe Online Twitter Space ayaa sharaxay saddex cawaaqib oo ka dhalanaysa diidmada Midowga Afrika ee go'aankii Ra’iisul wasaaraha xukumadda xilgaarsiinta ah uu dalka uga cayriyay Ambassador Francisco Caetano Jose Madeira.

Ismaaciil ayaa sheegay in uu ku talinayo in hakad lagaliyo xiriirka Soomaaliya iyo Midowga Afrika, in shaqaalaha AU ee Muqdisho ku sugan loo qabto in ay dalka ugu baxaan mudo 24 saac ah iyo xilka laga qaado wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya Cabdi Siciid Muuse oo lagu tiriyo shaqsiyaadka aadka ugu dhaw madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

“Waxaan uga jawaabi lahaa hadii aan Ra’iisul wasaaraha ahay in hakad lagaliyo xiriirka Soomaaliya iyo midowga Afrika, shaqaalaha ka joogana waxaan u qaban lahaa in ay 24 saac dalka ugu baxaan sida ay u ogaadaan in dalkaan yahay dal madax banana oo dowlad ka jirto” ayuu yiri ku xigeenkii hore ee NISA.

Isaga oo sii hadlaya Ismaaciil ayaa hoos xariiqay in” sida ugu dhaqsiyaha badan uu xilka uga qaadi lahaa wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya oo gabay “shaqadiisii dublumaasiyadeed” oo laga rabay in uu ka xigsado Ra’iisul wasaarihiisa shaqada dublumaasiyeed.

Ismaaciil Daahir Cusmaan, ayaa cadeeyay in shaqada iyo howlgalka AMISOM iyo ATMIS ay kala duwanyihiin sidaas darteed aan isku qasin madaama ATMIS ay hoostagto golaha amaanka ee Qarmada midoobay iyo golaha amniga iyo siyaasada midowga Afrika.

Hadalka Daahir ayaa imaanaya iyada oo Farmaajo difaacay dhaqan xumada wakiilka gudoomiyaha midwga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Francisco Caetano Jose Madeira.

Midowga Afrika (AU) ayaa ku dhaleeceysay Francisco Madeira inuu si xun ula dhaqmo shaqaalaha – oo ay ku jiraan diidmada bixinta taakuladda nadaafadda – adeegsiga aflagaado, afduubka deeqaha Amisom si loo helo masrax siyaasadeed iyo in uu dhinac ka istaago xaaladaha la filayo in howlgalka uu noqdo dhexdhexaad.

AMISOM – oo la sameeyay 2007dii si ay gacan uga geysato dagaalka Al-Shabaab - hadda waxay leedahay shan wadan oo ay ciidamada ka joogaan. Waxay kala yihiin Kenya, Uganda, Burundi, Djibouti iyo Ethiopia.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Qarax Ka Dhacay Garoonka Baraawe Oo Sababay Dhimasho iyo Dhaawac

Illa iyo hadda, ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda weerarka, laakiin kooxda Al-Shabaab ayaa caadiyan fulisa weerarrada noocan oo kale ah.

  • Soomaliya

    17-05-2025

  • 09:23AM

Madaxweynaha Somaliland oo Amray In La Sii Daayo dadkii Lagu Xiray Mudaharaadkii Burco

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa beenisay wararkaas, iyadoo sheegtay in cafiska loo sameyn doono kaliya maxaabiista ku xukuman dambiyo fudud.

  • Soomaliya

    17-05-2025

  • 06:08AM