Safaarada Mareykanka: Hal sawir oo ka wax sheeg badan kun erey

Image
Safaaradda ayaa u dabaaldegtey sanad guuradii sedexaad ee kasoo wareegtay markii ay Muqdisho usoo guurtay.

MUQDISHO, Soomaaliya - Safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya ayaa baahisay sawir aad ugu faafay baraha bulshadda oo ay kasoo muuqdeen shaqaalaha safaaradda iyo safiirka ee lagu magacaabo Larry Andre.

Safaaradda oo ku dhextaala xeradda aadka loo ilaaliyo ee Xalane ayaa u dabaaldagaysa sanad guuradii sedexaad ee kasoo wareegtay markii ay Muqdisho usoo guurtay.

Balse marka aad hoos usii dhugato sawirka, waxaad arkaysaa in dadka Soomaalida ay ku yar yihiin inkasta oo laga yaabo in ay sababo ammaan aawadeed aysan uga soo muuqan sawirka.

Xeerarka dublamaasiyadda adduunka ayaa wuxuu dhigayaa in safaaradaha ay shaqo abuur u sameeyaan dadka muwaadhiniinta dalalka ay joogaan safaaradahaas, gaar ahaan shaqooyinka aanan dublamaasiyadda ahayn ee ah kuwa xirfadaha caadiga ah.

Arrintan waxaa safaaradda Maraykanka la qaba safaaradaha kale ee dalka ka shaqeeya, kuwaas oo weli ku dhex shaqeeya xeendaabka xeradda weyn ee Xalane.

Inkasta oo dalka ay ka jiraan duruufo amni oo ay adagtahay in la sugo raadraaca qofka, haddane weli marmarsiimo ku filan ma ahan in aanan Soomaali laga shaqaalaysiin safaaradaha.

Marka sawirka dhanka kale laga eego, waxa muuqanaysa sii kordheysa ee Soomaaliya u leedahay Maraykanka, waxaana dhismaha ka muuqda in uu yahay dhisme dhagax ah xilli safaaradaha kale ay ku jireen kunteenaro.

Safaaradaha Maraykanka ayaa  inta badan shaqadeedu tahay arrimaha gargaarka, hawlaha amniga iyo siyaasadda ee dalka ka socdaa, waxaana aad u yar hawlaha fiiso bixinta iyo adeegyadii kale ee ay Safaarad bixin jirtay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Xasan Sheekh oo cadaadis ku haya shakhsiyaad uu soo dirsaday si ay colaad uga huriyaan Puntland

Dukumiintiyada sirta ah ee la helay ayaa muujinaya in kooxaha qorshahan loo xilsaaray loo qaybiyay afar qaybood.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 08:15PM

Puntland oo Ka Digtay Hub ay Dowladda Federaalku Geysay Deegaankeeda

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sannadkii hore ee 2025-ka ku faanay in maleeshiyaad ka dhex qortay gudaha Puntland.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 11:55AM