Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya oo la hadlay hogaanka Ahlu Sunna

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Danjiraha Mareykanka u fadhiya Soomaaliya ayaa Talaadada maanta ah la hadlay hogaanka Ahlu Sunna, sidda ay baahisay safaaradda Muqdisho.

Qoraal kooban oo lasoo dhigay barta Twitter-ka ee safaaradda ayaa lagu shaaciyey arrintaas, wallow aanan lagu sharaxin nooca uu yahay wada-hadalkaas.

Safaaradda, sidoo kale, ma aysan fahfaahin ujeedka iyo qodobadda looga hadlay wada-hadalkaas dhanka isgaarsiinta ah.

"Hal nidaam dimuqraadi iyo geedi u socod siyaasadeed oo loo dhan yahay ayaa u fiican Galmudug, muhiim-na u ah mustaqbalka Soomaaliya," ayuu raaciyey qoraalka.

Tani ayaa kusoo aadeysa iyaddoo khilaafka ka dhashay doorashooyinka hogaanka Galmudug uu meel sarre gaarey ayna jirto cabsi ku aadan in ay soo baxaan madaxweyneyaal.

"Mucaaradku waa waajib in ay qeyb ka noqdaan hanaan lagu kalsoon yahay. Hoggaanka saxda ahi macnaheedu waa aqbalaadda wadahadalka iyo isu tanaasulka," ayay raacisay.

Ahlu Sunna ayaa maanta kusoo bandhigtay Dhuusamareeb Xildhibaano oo ka kooban 69, kuwaas oo ay sheegtay in ay u dooran doonan madaxweyne iyo ku xigeen taabacsan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Mucaaradka oo ku ballansan Shirka ka dhacaya Xalane

Wakiillada beesha caalamka iyo diblomaasiyiin sar-sare ayaa soo dhex-galay dhinacyada si ay u fududeeyaan is-fahamka.

  • Soomaliya

    12-05-2026

  • 05:09PM

Mareykanka oo uga Digay Dowladda Soomaaliya in Awood loo Adeegsado Dibad-baxayaasha

Dhanka kale, laamaha amniga ayaa ku doodaya inay ka hortagayaan kooxo raba inay qalqal geliyaan nabadgelyada caasimadda.

  • Soomaliya

    12-05-2026

  • 09:33AM