Saraakiisha Gobalka Bay oo ka digay banaanbaxyo aan lagu war galin

Image

Baydhabo,Somalia 26.August [GAROWEONLINE]- Xaalada amaan ee magalada Baydhabo ayaa maanta oo Talaado ah deggan kadib banaanbax DFS looga soo horjeeda oo maalinkii shalay ka dhacay magaladaasi.

Taliyaha ciidanka Booliska Gobolka Baay Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo warbaahinta gudaha la hadlay ayaa sheegay inaysan waxba kala socon banaanbaxaasi isla markasna ay ka digayaan in mar kale la qabto dibadbaxyo aan lagu wargalin guddiga nabadgalyadda iyo laamaha ammaanka.

Col.Aadan ayaa sheegay inay ka danbeeyaan banaanbixii shalay siyaasiyiin doonaya xiisad kacsanaan ah oo ka dhalata mar kale gudaha magalada Baydhabo wuxuna sheegay  inay ka hor tagi doonaan.

Hal qof oo rayid ah ayaa ku dhintay dibadbaxaasi oo lagu diidanaa madaxda DF wuxuna yimi xili la qorshaynayay in magalada Baydhabo socdaal ku tagaan RW.Somalia Cabdiwali Shiikh Axmed iyo Danjire Nichalas Kay.

Siyaasadaha is-diidan ee ka jira magalada Baydhabo ayaa saamayn ku yeeshay goobaha ganacsiga ee magalada iyo waliba isku socodka gaadiidka waxayna dadku sheegayaan inay ka xun yihiin xili kasta in dagaal iyo rabshado ka dhacaan Baydhabo.

Madaxwaynaha mamulka Lixda Gobal ee Koonfur galbeed Madoobe Nuunow Maxamed ayaa cadeeyay inuusan raali ka ahayn samaynta maamul saddex Gobol ka kooban oo ka taliya Baydhabo xili beesha caalamka, dowlada federaalka ah iyo maamulada kale ee dalka ka jira taageereen maaamulka Koonfur Galbeed ee Somalia kaasoo ka kobnaan doona gobolada Bay, bakool iyo Shabeelaha Hoose.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo furay Kal-fadhigga 58-aad ee Gollaha Wakiillada Dowladda Puntland

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid.

  • Soomaliya

    15-06-2026

  • 11:46AM

Axmed Madoobe oo Weerar Afka ah ku Qaaday Dowladda Federaalka, Kuna Eedeeyay inay Dalka Dib u Burburinayso

Munaasabadda xiritaanka tababarka oo ka dhacday Jubbaland ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 09:48AM