Saraakiisha Gobalka Bay oo ka digay banaanbaxyo aan lagu war galin

Image

Baydhabo,Somalia 26.August [GAROWEONLINE]- Xaalada amaan ee magalada Baydhabo ayaa maanta oo Talaado ah deggan kadib banaanbax DFS looga soo horjeeda oo maalinkii shalay ka dhacay magaladaasi.

Taliyaha ciidanka Booliska Gobolka Baay Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo warbaahinta gudaha la hadlay ayaa sheegay inaysan waxba kala socon banaanbaxaasi isla markasna ay ka digayaan in mar kale la qabto dibadbaxyo aan lagu wargalin guddiga nabadgalyadda iyo laamaha ammaanka.

Col.Aadan ayaa sheegay inay ka danbeeyaan banaanbixii shalay siyaasiyiin doonaya xiisad kacsanaan ah oo ka dhalata mar kale gudaha magalada Baydhabo wuxuna sheegay  inay ka hor tagi doonaan.

Hal qof oo rayid ah ayaa ku dhintay dibadbaxaasi oo lagu diidanaa madaxda DF wuxuna yimi xili la qorshaynayay in magalada Baydhabo socdaal ku tagaan RW.Somalia Cabdiwali Shiikh Axmed iyo Danjire Nichalas Kay.

Siyaasadaha is-diidan ee ka jira magalada Baydhabo ayaa saamayn ku yeeshay goobaha ganacsiga ee magalada iyo waliba isku socodka gaadiidka waxayna dadku sheegayaan inay ka xun yihiin xili kasta in dagaal iyo rabshado ka dhacaan Baydhabo.

Madaxwaynaha mamulka Lixda Gobal ee Koonfur galbeed Madoobe Nuunow Maxamed ayaa cadeeyay inuusan raali ka ahayn samaynta maamul saddex Gobol ka kooban oo ka taliya Baydhabo xili beesha caalamka, dowlada federaalka ah iyo maamulada kale ee dalka ka jira taageereen maaamulka Koonfur Galbeed ee Somalia kaasoo ka kobnaan doona gobolada Bay, bakool iyo Shabeelaha Hoose.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo Booqasho ay ku Tilmaantay Sharci-darro Cambaareysay

Warsaxaafadeed ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya soo saartay Talaadadii…

  • Soomaliya

    06-01-2026

  • 09:52PM

Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif oo Heshiis ka Gaarey Khilaafkooda Shakhsiyeed

Kulankan oo ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa diiradda lagu saaray sidii loo yareyn lahaa xiisadda siyaasadeed ee dalka.

  • Soomaliya

    05-01-2026

  • 08:02AM