Sarkaal isku day dil kaga badbaadey Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Sarkaal boolis oo magaciisa lagu soo koobay Maxamed Daahir ayaa lagu waramay in uu ka badbaadey qarax miino oo gaari uu watay caawa lagula eegtay isgoyska KM4 ee Muqdisho.

Illo wareedyo dhanka ammaanka ah ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online in Gaashaanle Maxamed uu waqtigaas kusii jeedo "howla shaqo". Balse, waxay ka gaabsadeen fahfaahin dheeraad ah.

Dagaalameyaasha Al-Shabaab ee gacansaarka la leh Al-Qaacida ayaa la tuhunsan yahay in ay ka dambeeyeen weeraradan u muuqda mid la doonayey in lagu khaarijiyo sarkaalan.

Waa falkii ugu horeeyay ee liddi ku ah ammaanka oo caasimada ka dhaca tan iyo markii la shaaciyey heshiiska doorashada. Amniga waa mid kamid ah caqabadaha horyaala qabsoomida doorashooyinka Soomaaliya.

Heshiiska doorashooyinka waxaa ku cad in ammaanka doorashooyinka ay iska kaashanayaan ciidamadda kala duwan ee qaranka iyaga oo taageero ka ka helaya dhigooda howlgalka nabadeynta Midowga Afrika ee AMISOM.

Boolis ka tirsan AMISOM ayaa sidoo kale waxaa loo dirayaa gobola Gedo gaar ahaan magaalada Garbahaarey halkaasoo maamulka waqtiga ka dhacay ee Farmaajo geeyay ciidamo la sheegay in uu boob ku damacsan yahay.

Hogaamiyeyaasha Soomaalida ayaa sidoo kale waxay isla meeldhigeen in guddi loo diro gobolka Gedo si ay uga sameeyaan nabadeyn isla markaana u soo saaraan guddoomiye uu magacaabo madaxwayne Axmed Madoobe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

DF Soomaaliya oo isu diyaarineysa weerar ka dhan ah Koonfur Galbeed, doorka Itoobiya maxuu noqon doonaa?

Khilaafka oo markii hore ahaa mid siyaasadeed ayaa si degdeg ah isu beddelay dhaqdhaqaaqyo..

  • Soomaliya

    27-03-2026

  • 09:38PM

Lafta-Gareen: Tallaabooyinka dowladda qaadey waa dagaal Toos ah oo KG lagu soo qaadey

Shacabka Koonfur Galbeed waxay u arkaan tallaabada dowladda Soomaaliya weerar qabiil, oo lagu soo qaadey Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    26-03-2026

  • 08:21AM