Sarkaal sare oo lagu dilay qarax lagula eegtey gobolka Hiiraan

Image
Marxuumka ayaa waxa uu qeyb ka ahaa dagaaladii ugu dambeeyay ka dhanka ahaa Al Shabaab.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxii saadka ee guutada 5-aad ee ciidanka Soomaaliya ee ka howlgala gobolka Hiiraan, Barre Ceyroow, ayaa ku dhintay qarax miino oo ka dhacay inta u dhaxeysa Booco iyo Halgan.

Sidda ay sheegeen illo wareedyo dhanka milatariga ah, waxaa sidoo kale weerarkan ku dhaawacmay askar. Marxuumka ayaa waxa uu qeyb ka ahaa dagaaladii ugu dambeeyay ka dhanka ahaa Al Shabaab.

Howlgalada ka socda gobolada Hiiraan, Galgaduud iyo Baay ayaa waxaa lagu xoreeyay degaano dhowr ah waxaana lagu dilay boqolaal maleshiyo Al-Shabaab ah, sidda ay sheegayaan warbixinada la helayo.

Ciidamadda Soomaaliya ayaa sheegay in saacadihii lasoo dhaafay ay maleyshiyadda Al-Shabaab kala wareegeen tuulooyinka Baayale, Caliyow Dooyow, Xaawa Dhaaysile, Boorame, Karanoy iyo Daawuudow oo hoostaga degaanka Daynuunaay ee duleedka magaaladda Baydhabo, caasimada ku meelgaarka ah ee Koonfur Galbeed.

Milatariga Soomaaliya ayaa sheegay in ay la wareegeen Labi-Dulle oo 16 KM u jira El-lahelay oo ah tuulo u dhaxeysa magaalooyinka Ceelbuur iyo Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud "kadib markii ay ka hayaameen maleshiyaadka Al-Shabaab," sidda laga soo xigtey wakaalada wararka qaranka ee SONNA.

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay wuxuu wareysi uu siiyey telefishinka CNN uu shaaca kaga qaadey in maamulkiisa uu diyaariyey qorsheyaal uu ku dardargelinayo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Wasiir ka tirsan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegay in Turkiga uu "ku biiray" taageerada dhanka cirka ah ee ay siinayaan ciidamada dowladda ee dagaalka kula jira Al-Shabaab.

Axmed Macalin Fiqi, wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda Dan Qaran oo u waramay telefishinka maxaliga ah ee Universal, ayaa xusay kaalinta diyaaradaha Turkigu tahay "mukhaabaraadka".

Bilooyinkii lasoo dhaafay, dadka deegaanka caasimadda Soomaaliya ayaa soo warinaayey in hawada magaala madaxda Muqdisho lagu arkay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn Turkiga ee lagu magacaabo Bayraktar.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM

Xiisadda sii kordheysa ee Itoobiya iyo Eritrea oo dhexdhexaadnimada Soomaaliya imtixaan gelisay

Hadalkan ayaa imanaya kaddib shir madaxeed afar geesood ah oo 4-tii Oktoobar 2026 ka dhacay magaalada Alamein ee dalka Masar.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 06:21AM