Saraakiil ka tirsan Villa Soomaaliya oo su'aallo la waydiinayo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Cabdulqaadir Maxamed Nuur, Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa qoraal uu u diray Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka waxaa uu kaga dalbaday in loo yeero Illaa Shan Sarkaal Ciidan oo lagu tuhmayo dhacdadii 27 December ee ahaa isku daygii la damacsanaa in lagula wareego Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha sida ay sheegtay Xukumadda Rooble.

Saraakiisha loo yeeray waxa ku jira Taliyaha Guutada 77aad iyo Abaanduulaha Guutada ee Koofiyo casta Ilaalada Madaxtooyada. Guddiga baaritaanka ayaa waday su’aalo weydiin iyo xog uruurin la xiriira qaabkii ay wax u dhaceen iyo cida soo agaasintay.

Taliyaha xoogga ayaa laga codsaday in Saraakiishan in maalinta Sabtida ah oo taariikhda tahay 8 Janaayo, saacadda 10:00 barqanimo ay yimaadaan Xafiiska Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, si ay ula kulmaan guddiga baaritaanka uu magacaabay Ra’iisul Wasaaraha.

Magacyada saraakiisha loo yeeray ayaa waxa ay kala yihiin;

1- Gaashaanle Sare Xasan Aadan Dhicis Taliyaha Guutada 77aad.
2 - Gaashaanle Shaafici Nuur Axmed Abaanduulaha Guutada 77aad.
3 - G/Dhexe Cabdi Yaasin Cali Kooshin Taliyaha Ururuka 60aad ee Guutada 77aad.
4 - Gaashaanle Xasan Duwane Cumar Abaanduulaha Ururka 60aad
5- Labo Xiddigle Muuse Shaarib, Taliyaha Koox Horinta Gurmad Ururka 60aad.

Guddigii uu dhawaan Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble u magacaabay in ay baaris dhab ah ku sameeyaan ciddii ku lugta laheyd af-gambigii fashilmay ee 27-kii December 2021 ayaa maanta la kulmay Taliyaha ilaalada Madaxtooyada.

Sida uu fahansan-yahay Garowe Online, Guddiga ayaa waxay Taliyaha ilaalada Madaxtooyada, Korneyl Xasan Dhicis su’aalo ka weydiiyen baaritaankooda la xiriira afgambigii lagu qaaday hay’addaha dastuuriga ee dalka.

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta ayaa hore u faray xubnaha guddigaan inay baaristooda ku soo gaba-gabeeyaan muddo todobaad ah, taasi oo ka bilaabaneysa maalintii la magacaabay oo ay kasoo wareegtay 5 maalmood.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA WASIIRKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muxuu Trump u diiday inuu lacag ku bixiyo howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee Soomaaliya?

Howlgalka ATMIS oo la filayo inuu gebi ahaanba baxo dabayaaqada sannadkan ayaa weli ku leeyahay mushaarooyin iyo gunnooyin gaaraya ilaa $100 milyan.

  • Soomaliya

    10-05-2025

  • 05:31PM

Firdhiye oo Xasan Sheekh la wadaagay Warbixin ku saabsan Xaaladda SSC-Khaatumo

Firdhiye ayaa uga mahadceliyay sidoo kale Xasan Sheekh casuumaadda uu usoo diray ee ka qeybgalka Shirka Gollaha Wadatashiga Qaran.

  • Soomaliya

    10-05-2025

  • 04:15PM