Shaakir: DF ayaa ka shaqeysay khilaafka Ahlu Sunna iyo Xaaf

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Maxamed Shaakir Cali Xasan, madaxa xukuumada Galmudug, ayaa qiray in khilaafkii soo kala dhexgalay Ahlu Sunna iyo madaxweyne Xaaf ay "ka shaqeysay" xukuumadda Soomaaliya.

Villa Soomaaliya oo lagu eedeeyay in ay kala qeybisay hogaanka Galmudug ayaa la sheegay in ay midba si gaar ah heshiis hoose ula gashay.

Shaakir ayaa sababta ay talaabooyinkaas u qaadey dowladda federaalka ku qeexay "si ay u gaarto dano gaar ah oo doorashooyinka ku saabsan".

Maamulka madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa "quudareynaya" in hogaanka dowlad goboleedkan uu qabto siyaasi taabacsan.

"Xaaf iyo annaga in aan is-khilaafno dowladdaa ka shaqeysay walina ka shaqeynaysa. Waxay uga shaqeyneysanaa iyadda kaligeed waxay la tahay in ay meesha ka dhisto," ayuu u sheegay BBC-da.

Intii lagu guda jiray wareysiga, Shaakir ayaa daaha ka rogay in Xildhibaanada cusub ee maamulkaas loo diidey in ay la kulmaan murashaxiinta, "taasoo caddeyn u ah in dowladu wadato murashax gaar ah".

Iyaddoo dedaalka Nabad iyo Nolol ay ku bixisay dhismaha Galmudug mid ah uu ku dhow yahay burbur, dowlad goboleedkaan ayaa dhanka kale qarka u saaran in uu yeesho maamulo iska soo horjeeda.

Xaaf, oo ku sugan koonfurta Gaalkacyo, ayaa abaabulaya doorasho. Intaas waxaa wehlisa in Ahlu Sunna ku goodisay in ay doorasho kale qaban doonto hadii aanan xal deg-deg ah loo helin muranka jira.

Qaar kamid ah dowladdaha xubinta ka ah federaalka ka tisqaadey Soomaaliya ayaa mar sii horeysay ku taliyey in bulshadda Galmudug loo ogolaado in ay dhistaan maamulkooda oo aysan faragelin xukuumada.

MUUQAALKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland iyo Jubbaland oo hal sabab uga baaqday shir Turkiga ku qabanayo Muqdisho

Turkiga ayaa muddo dheer door muuqda ku lahaa arrimaha Soomaaliya, isagoo bixiyay taageero dhinacyada amniga.

  • Soomaliya

    07-07-2026

  • 01:43PM

Siyaasiyiin Soomaali ah oo Taariikh Ka Sameeyay Baarlamaanka Norway

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in doorashadoodu ay ka tarjumayso isbeddelka…

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 04:41PM