Qorshaha DF ee doorashooyinka Galmudug ma tartan lacag ama cod?
DHUUSAMAREEB, Galmudug – Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, ayaa sheegay in guddoonka baarlamaanka Galmudug ay doorteen "Xildhibaano la ilaalinayey oo jawaano lacag loogu siday".
Shaakir ayaa hanaanka loo xushay Maxamed Nuur Gacal iyo labadiisa ku xigeen ku tilmaamay "mid aad loo musuqmaasuqay".
Dowladda federaalka ayuu muujiyey in ay dooneyso in Galmudug ay ka dhacdo doorasho lacag loogu tarmayo.
"Waxaan kuu sheegi karaa in doorashadda gudoonka aysan ahayn mid sax ah, waxaa lagu bixiyey laaluush iyo lacago jawaab lagu siday, taas ma aanan aqoon," ayuu yiri Madaxa xukuumada Galmudug.
Isagoo sii hadlaya ayuu raaciyey: "Xildhibaanada doortay waxay ahaayeen kuwa la kontaroolayey oo aad loo ilaalinaayey".
Dhanka kale, dowladda federaalka ayuu ku eedeeyay in ay uga baxday heshiiska ay wada galeen mudadii uu Galmudug ku sugnaa ra'iisul wasaare Xasan Cali Khayre oo ahayd in ka badan sideed bilood.
Hadaladaan ayuu ka dhawaajiyey intii lagu guda jiray wareysi uu siiyey Talafishinka maxaliga ah ee Soomaali Cable.
"Faragelinta ayaa meesha ka saartay rajada laga qabay in doorashadda ay kasoo baxdo Galmudug lawada leeyahay," ayuu xusay.
"Lacag kuma tartamayno"
Kamaal Guutaale, oo kamid ah murashaxiinta u taagan xilka madaxweynaha Galmudug, ayaa sheegay in dowladdu dooneyso doorasho lagu tartamaayo lacag.
"Xildhibaanada Galmudug waxay kula kulmayaan iyagoo dhuumanaya oo ka cabsanaya in la basaaso, guddiyo iyo baarlamaan kala qeybsanna iskama diiwaan galineyno," ayuu u sheegay Dalsan Tv.
Guutaale, oo ka tirsan xisbiga Wadajir, ayaa tilmaamay in ay quudareynayaan doorasho xor iyo xalaal ah, taasoo ka fog laaluush.
"Da'deyduna igama hor istaageyso inaan Galmudug hogaamiyo, dowladdu hadday lacag ku tartameysana doorasho lacag ah kulama tartameyno," ayuu hadalkiisu ku daray siyaasiga.
Olole iska soo horjeeda
Doorashada hogaanka Galmudug garabka xukuumada ayaa loo madalsan yahay 30-ka Janaayo, 2020, waxay ay isa soo tarayaan baaqyo ka imaanaya dhinacyo kala duwan oo ku saabsan in dib loo dhigo.
Isla gudaha Dhuusamareeb dhaqdhaqaaqyo kale oo ku saabsan qabashada doorashooyin waxaa wada garab taageersan Ahlu Sunna. Si lamid ah, Gaalkacyo waxaa ka wada madaxweyne Xaaf.
Beesha Caalamka ayaa ku baaqday in wada-xaajood lagu dhameeyo dhamaan ismaandhaafyadda hareeyay geedi u socodka.
Villa Soomaaliya oo lagu eedeeyay in ay maroor-satay hanaanka coddeynta ayaa lagu waaniyey in bulshadda ay u madax-banaaneyso doorashadda kana joojiso "goodiska iyo adeegsiga dhaqaale".
GAROWE ONLINE