​Shabaab oo toogasho ku dishay Askari ay ku qabteen weerarkii Janaale

Image

Kooxda Al Sahabaab ayaa maanta Toogasho ku dishay askari katirsan ciidanka dalka Uganda ee qeybta ka ahaa AMISOM, kaasi oo mudo ka badan hal sano ah u ahaa maxbuus dagaal oo gacantooda ku jiray.

Muuqaal cusub oo ay soo saartay Al Shabaab oo lagu baahiyay baraha ay Internet-ka ku leeyihiin ayaa kasoo muuqday Askariga oo madaxa iyo xabadka laga tooganayo geed hoostiisa, isagoo xiran Tuutaha Ciidanka.

Al Shabaab ma aysan sheegin halka uu ka dhacay Toogashada Askariga kasoo jeedo Uganda.

Askariga oo lagu magacaabi jiray Masassa M.Y ayaa lagu qabtey weerarkii Janaale September, 2015-kii, isagoo ilaa xilligaas ku jiray gacanta Al shabaab.

Labo muuqaal oo horay loogaa duubay ayuu dowladdiisa ugu baaqay inay bad-baadiyaan.

Masassa M.Y wuxuu yimid Somalia June 2015, waxaana uu ku biiray ciidamada Uganda sanadkii 2009.

Al Shabaab wali waxaa gacanta ugu jira dhowr askar oo u kala dhashay Uganda, Burundi iyo Kenya, oo ay ku qabteen weeraradii Leego, Janaale iyo Ceel-cadde ee koonfurta dalka Soomaaliya 2014 - 2015.

GAROWEONLINE

Related Articles

Cirro: Inta aan xafiiska joogo bay Somaliland aqoonsi helaysaa

Hadalka madaxweynaha ayaa imaanaya xilli ay sare u sii kacayso baaqyada lagu dalbanayo in Mareykanku aqoonsado Somaliland.

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 05:42AM

Somaliland oo Turkiga ku Eedeysay Faragelin

Madaxda Somaliland ayaa u arka tallaabooyinkan inay qayb ka yihiin dadaallo lagu daciifinayo maamulka.

  • Soomaliya

    19-08-2025

  • 12:20PM