​Shabaab oo toogasho ku dishay Askari ay ku qabteen weerarkii Janaale

Image

Kooxda Al Sahabaab ayaa maanta Toogasho ku dishay askari katirsan ciidanka dalka Uganda ee qeybta ka ahaa AMISOM, kaasi oo mudo ka badan hal sano ah u ahaa maxbuus dagaal oo gacantooda ku jiray.

Muuqaal cusub oo ay soo saartay Al Shabaab oo lagu baahiyay baraha ay Internet-ka ku leeyihiin ayaa kasoo muuqday Askariga oo madaxa iyo xabadka laga tooganayo geed hoostiisa, isagoo xiran Tuutaha Ciidanka.

Al Shabaab ma aysan sheegin halka uu ka dhacay Toogashada Askariga kasoo jeedo Uganda.

Askariga oo lagu magacaabi jiray Masassa M.Y ayaa lagu qabtey weerarkii Janaale September, 2015-kii, isagoo ilaa xilligaas ku jiray gacanta Al shabaab.

Labo muuqaal oo horay loogaa duubay ayuu dowladdiisa ugu baaqay inay bad-baadiyaan.

Masassa M.Y wuxuu yimid Somalia June 2015, waxaana uu ku biiray ciidamada Uganda sanadkii 2009.

Al Shabaab wali waxaa gacanta ugu jira dhowr askar oo u kala dhashay Uganda, Burundi iyo Kenya, oo ay ku qabteen weeraradii Leego, Janaale iyo Ceel-cadde ee koonfurta dalka Soomaaliya 2014 - 2015.

GAROWEONLINE

Related Articles

Safiirka UK oo Muqdisho ku tilmaamay mid ka mid ah goobaha ugu khatarta badan dunida  

Safiirka ayaa ku dhuftay in wadashaqayn dhow oo ay la leeyihiin dowladda Soomaaliya, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-05-2026

  • 01:41PM

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM