Shaqaale ka tirsan maxkamadda gobolka Banaadir oo la qarxiyey

Image
Musharaf Maxamed Macallin ayaa sidoo kale duowaan qoraallo liddi ku ah Al-Shabaab uu ku baahiyey bartiisa Facebook.

MUQDISHO, Soomaaliya - Qarax maanta ka dhacay magaalada Muqdisha ayaa waxaa ku dhaawacmay mid ka mid ah shaqaalaha maxkamadda gobolka Banaadir, sida ay warisay VOA oo soo xigatay ilo-wareed codsaday inaan magaciisa la sheegin sababo amni darteed.

Qaraxa ayaa la sheegay inuu ka dhex qarxay baabuur uu la socday Musharaf Maxamed Macallin oo ilo-wareedku sheegay inuu ku dhaawacmay weerarkaas.

Ka sokow inuu ka tirsanaa maxkamadda gobolka Banaadir, waxaa dhinaca kale la sheegay inuu qoraallo liddi ku ah Al-Shabaab uu ku baahiyey bartiisa Facebook.

Booliiska magaalada Muqdisho ayaan weli rasmi ahaan uga hadlin weerarkan.

Waa maalinkii labaad oo xiriir ah oo qarax uu ka dhacay magaalada Muqdisho. Shalay, qarax is-miidaamin ah ayaa ka dhacay bannaanka xerada ciidamada Jeneraal Dhagabadan ee degmada Wadajir una dhow Warshaddii hore ee Nacnaca ee magaalada Muqdisho.

Qaraxaas ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 7 qof, waxaana ku dhaawacmay tiro kale. Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarkan.

GO + VOA

Related Articles

XOG: Xasan Sheekh oo cadaadis ku haya shakhsiyaad uu soo dirsaday si ay colaad uga huriyaan Puntland

Dukumiintiyada sirta ah ee la helay ayaa muujinaya in kooxaha qorshahan loo xilsaaray loo qaybiyay afar qaybood.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 08:15PM

Puntland oo Ka Digtay Hub ay Dowladda Federaalku Geysay Deegaankeeda

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sannadkii hore ee 2025-ka ku faanay in maleeshiyaad ka dhex qortay gudaha Puntland.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 11:55AM