Shaqaaqo ka dhacdey garoonka diyaaradaha Aadan Cadde

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Shaqaaqo ayaa Khamiista maanta ah waxaa laga soo wariyey garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle Cismaan ee magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho.

Sida ay sheegayaan wararka laga helayo illo ku dhow madaarka, isku-dhaca ayaa u dhaxeeyay cutubyo ka tirsan booliska Soomaaliya iyo hay'adda nabad-sugida & sirdoonka qaranka.

Dhacdadan ayaa, sida ay muujinayaan muuqaalo iyo sawirro laga soo qaadey garoonka, waxay dhabaha u xaartey burburka muyaarado iyo hakad ku yimid adeega uu bixiyo garoonka diyaaradaha.

Illaa haatan si dhab ah looma ogga sababta ka dambeysa isku-dhaca. Hasa ahaatee, waxaa kasoo baxaya fahfaahino kala duwan oo illaa haatan aanan si kama dambeys ah loo xaqiijin karin.

Wararka qaar ayaa sheegaya in dhacdada saarka ay ahayd aargoosi kadib markii shalay ay ciidanka nabad-sugida "garaaceen" askari boolis kana tirsanaa Waaxda Socdaalka ee garoonka.

"Ciidanka Waaxda Socdaalka oo ka careysan falkii shalay lagula kacay saaxiibkood ayaa saaka beegsaday saddex askari oo ka tirsan Hay'adda Sirdoonka halkaasoo isku-dhaca uu ka dhashay," ayay ku dareen illo wareedyo.

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, taliska ciidanka booliska, taliska nabad-sugida iyo maamulka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaan wali wax war ah kasoo saarin shaqaaqadan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM