Shariif iyo Xasan oo ka warbixiyey kulankii Rooble

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxwayneyaashii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa fahfaahin waxay ka bixiyeen kulankii ay shalay la qaateen ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta.

Kulankan ayaa ka dhacay xafiiska Maxamed Xuseen Rooble ee Muqdisho. Sida ay wararku sheegayaan, dhinacyada waxay is-dhaafsadeen aragtiyo khuseeya xubnaha cabashada laga qabo ee guddiga doorashooyinka.

Shariif iyo Xasan oo qoraalo kala duwan ku daabacay ciwaanadooda shaqsiga ah ee Facebook ayaa hoosta ka xariiqay in sidoo kale ay Rooble kala hadleen mawduucyo kale oo ku saabsan qabsoomida doorashooyinka.

"Waxaan [shalay] kulan miro dhal ah la qaadanay Ra'iisul Wasaaraha xukummaadda Mudane Maxamed Xuseen Rooble. Waxaan ka wada hadalnay dadaallada socda ee lagu dardargelinayo hirgelinta doorashooyinka, innaga oo la wadaagnay liiska xubnaha guddiyada doorashada ku jiray ee sharcigu ka reebayo inay qeyb ka ahaadaan maamulka doorashada," ayuu Xasan yiri.

Labada hogaamiye oo kamid ah musharaxiinta u taagan xilka madaxtinimada Soomaaliya ayaa metalayey Golaha Midowga Musharaxiinta, waxaana wehliyey Cabdikariin Xuseen Guuleed, hogaamiyihii hore ee Galmudug.

"Waxaan [shalay] aniga, MW Xasan Sheekh iyo xubno ka tirsan Midowga murashaxiinta kulan la qaadanay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, waxaana kawada hadalnay Guddiga doorashooyinka oo ka mid ahaa dhameystirka heshiiskii doorashooyinka ee dhawaan lagu kala sixiixdey magaalada Muqdisho," ayuu Shariif ku yiri qoraalka uu soo saarey.

Heshiiska doorashooyinka ee Muqdisho looga dhawaaqay todobaadkii lasoo dhaafay ayaa xeerinaya in doorashada ay ku qabsoonto muddo 60 casho ah ama laba bilood iyaddoo la xaliyey qodobadii is-mari-waagu ka jiray.

GAROWE ONLINE

Related Articles

DF Soomaaliya oo isu diyaarineysa weerar ka dhan ah Koonfur Galbeed, doorka Itoobiya maxuu noqon doonaa?

Khilaafka oo markii hore ahaa mid siyaasadeed ayaa si degdeg ah isu beddelay dhaqdhaqaaqyo..

  • Soomaliya

    27-03-2026

  • 09:38PM

Lafta-Gareen: Tallaabooyinka dowladda qaadey waa dagaal Toos ah oo KG lagu soo qaadey

Shacabka Koonfur Galbeed waxay u arkaan tallaabada dowladda Soomaaliya weerar qabiil, oo lagu soo qaadey Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    26-03-2026

  • 08:21AM