​Sheekh Shariif oo booqday dhaawacyada Qaraxii Hotel Dayax

Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia- Madaxweynihii hore Somalia, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta booqasho ku tagay Cusbitalka Madiina oo shalay la gaarsiiyay dhaawacyadii waxyeelladu kasoo gaartay qarax lala eegtay hotel Dayax.

Sheekh Shariif ayaa kormeer ku maray dhammaan qolalka ay yaallaan dadka bukaanka ee qaraxa dhibku kasoo gaaray, wuxuuna uga tacsiyeeyay falkaasi foosha xun ee ay ku kaceen kooxaha nabad diidka ah.

Mas'uulkan markii labaad u taagay xilka Madaxweynaha Somalia, ayaa sidoo kale la kulmay Maamulka cusbitalka Madiina gaar ahaan Dr Maxamed Yuusuf oo uga waramay xaalka bukaanka.

Hadal kooban oo Shariif iyo Dr Maxamed si wadajir ah u siiyeen warbaahinta waxay ku sheegeen inay ka xunyihiin weerarada lagu dhibaataynayo shacabka iyagoo EEBBE uga baryay inuu naxariistii dadkii dhintay halka kuwa kale u rajeeyeen bogsiimo dhakhso leh.

Waa mas'uulkii ugu horeeyay ee u tagay dadkii shalay lagu dhibaateeyay magaalada Muqdishu, wuxuuna booqday waxyar uun kadib markii uu iska diinwaangaliyay xarunta Villa Hargaysa ee ay ku shaqaynayaan Guddiga doorashada Madaxweynaha Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Safiirka UK oo Muqdisho ku tilmaamay mid ka mid ah goobaha ugu khatarta badan dunida  

Safiirka ayaa ku dhuftay in wadashaqayn dhow oo ay la leeyihiin dowladda Soomaaliya, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-05-2026

  • 01:41PM

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM