Xasan Daahir : Ameerika ayaan u xirnahay waanan la dagaalamaynaa haddii ay nala heshiin waayaan

Image

MUQDISHO, (GO) - Sheekh Xasan Daahir Aways oo mar ka mid ahaa madaxdii maxaakiimta Islaamiga ah iyo Alshabaab ayaa cajalad cusub oo uu soo duubay ku hanjabay in la weerari doono Maraykanka.

Wuxuu Maraykanka ku eedeeyay in uu isaga ka dambeeyo dagaalada iyo xasilooni darida ka jirta Soomaaliya, islamarkaasna uu doonayo in uu qaato dhulka Soomaaliya, ama cid kale siiyo.

Xasan Daahir oo soo daliishanayay aayado badan ayaa ayaa sidoo kale sheegay in Ameerikaanku ay Soomaalida ula dagaashanyihiin diinta islaamka awgeed.

Wuxuu sheegey in sidii Ameerikaanka “loogu jabiyay” Afqanistaan loogu jabin doono Soomaaliya.

Dhanka kale wuxuu sheegay in loo sheegay in uu u xiranyahay Ameerikaanka.

Wuxuu Ameerikaanka ka dalbay in ay isfaham la gaaraan waxa uu ku tilmaamay dadka doonaya midnimada Soomaalida, lana yeeshaan macaamil wanaagsan, haddii kale lagu qasbanaan doono in lala xirto cid kale oo awood leh. Ma uusan sheegin cidda ay tahay taasi.

Dowlada Federaalka ayaa sheegta inuu u xiran yahay wadaadkaan xag-jirka balse waxaa uu haystaa fursad oo baraha bulshada galiyo hadalo uu ku dhaliilayo dowlada Soomaaliya, halka uu dhowaan dhaliilo uu ku jees-jeesayo ciidanka dowlada soo saarey kuwaas oo dagaalka kula jira kooxda Al shabaab. 

Dhowaan ayaa wiil uu dhalay waxaa lagu diley duqeyn ay geysteen ciidamada Maraykanka.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

XOG: Xasan Sheekh oo cadaadis ku haya shakhsiyaad uu soo dirsaday si ay colaad uga huriyaan Puntland

Dukumiintiyada sirta ah ee la helay ayaa muujinaya in kooxaha qorshahan loo xilsaaray loo qaybiyay afar qaybood.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 08:15PM

Puntland oo Ka Digtay Hub ay Dowladda Federaalku Geysay Deegaankeeda

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sannadkii hore ee 2025-ka ku faanay in maleeshiyaad ka dhex qortay gudaha Puntland.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 11:55AM