Shirka lagu xalinayo khilaafka doorashada oo bilowday

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Shirka xalka waara loogu goobayo is-mari-waaga doorashooyinka Soomaaliya ayaa Sabtida maanta ah wuxuu ka bilowday magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Dhinacyadda shirka kasoo muuqdey ayaa kala ah; Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ah mid horudhac ah waxaana qeybgalaya Madaxweyneyaasha Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Fadaraal ee Punland Saciid Cabdulahi Deni, Jublanad Axmed Maxamed Islaam, Koonfur Galbeed Maxamed Xasan Lafta Gareen, Hirshabeelle Cali Xuseen Guudlaawe, iyo guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Cumar Maxamuud Filish.

Xukuumada xilgaarsiinta ayaa qoraal waxay ku tiri "Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble, ayaa guddoomiyay Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Doorashooyinka dalka oo maanta ka furmay magaalada Muqdisho".

Aqalka looga arrimiyo Puntland ayaa yiri "Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hadda ka qeybgalaya Shirka Arrimaha Doorashada Soomaaliya".

Jubaland State House ayaa faafisay "Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa ka qeyb galaya shirka Madasha wadatashiga Qaran ee Afisyooni kaas oo lagaga hadlayo arimaha Doorashada".

Madaxtooyadda Galmudug ayaa dhankeeda tiri "Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa ka qeybgalaya shirka Wadatashiga Qaran ee Arrimaha Doorashooyinka oo goordhaw ka furmay Magaalada Muqdisho".

"Shirka oo uu shir gudoominayay Ra'isul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa looga hadlayaa Arrimaha Doorashooyinka iyo sidii loo dhameystiri lahaa heshiisyadii 17-kii September iyo 16-kii Febraayo," ayay tiri Madaxtooyada HirShabelle.

Madaxtooyada Koonfur Galbeed ayaa dhankeeda tibaaxdey "Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xassan Maxamed Lafta-gareen ayaa ka qeyb galay Furitaanka Kulanka Wadatashiga qaran ee arrimaha doorashooyinka oo hada ka furmay Magaaladda Muqdisho".

Qoraal kasoo baxay xafiiska gobolka Banaadir ayaa lagu qeexay "Shirkaan oo u dhaxeeya Madaxda Maamul Goboleedyada, Gobolka Banaadir iyo Dowlada Federalka Soomaaliya oo maanta ka furmay Muqdisho ayaa la filayaa in uu horseed u noqdo hanaanka uu dalka ku aadayo doorasho".

Wadaxaajoodyadan oo aan la ogeyn mudada ay kusoo dhamana doonan ayaa la sheegay in ay muhiim u yihiin in Soomaaliya ka badbaado qalalaase doorasho taasoo bilooyinkii dambe xoogeysatay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM